Toggaherer’s Weblog

SIILANYO HADDII TALADA KU GUULEYSATO M/WEYNE RAYAALE MAXAKAMD MA SOO TAAGAYSA ? SUAAL LA WAYDIIYAY

Posted on: March 28, 2009

SIILANYO HADDII TALADA KU GUULEYSATO M/WEYNE RAYAALE MAXAKAMD MA SOO TAAGAYSA ? SUAAL LA WAYDIIYAY
“Waad aragteen oo Dacaayadaha Xukuumadda waxa lagu doonayaa in Xisbiga Kulmiye loo sawiro inta aan gartiisa la dhegaysan ee aan xaqaaqi’qa la ogaan in la yidhaahdo wuxuu hurinayaa Colaad. Raggaa dalka u soo halgamay ee Noloshoodii khatarta u wada..ee magaca loo wada sameeyay ee la leeyahay Dhiigyo-cab ee Nabadgelyo-xumayn loo sawirayo, uma taagnin Nabadgelyo-darro ee waxaanu nahay kuwa nabadda dhisaya ee dalka nabadgeshay ee doonaya inay nabaddiisu waarto. Nabadgelyada dalka kumaanu ciyaarin, kumana ciyaarayno..cidda 80-ka cod kaga tagtay ee nabadda dalka eegtay waxay ahayd Kulmiye, maantana waxba iskamay-kaaya bedelin.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay Munaasibad xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo Ardayda Jaamacaduhu su’aalo ku weydiinayeen Masuuliyiinta iyo Hoggaanka Xisbigaas.

Munaasibaddan oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha Kulmiye Axmed-Siilaanyo, Guddoomiye-xigeenka koowaad Muuse Biixi, hoggaanka sare ee Urur-Siyaasadeedka Qaran, Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye, Arday boqollaal gaadhaysay oo ka socotay Jaamacadaha Dalka iyo marti-sharaf kale, ayaa ka hor intii aan Su’aalaha Ardaydu weydiinin Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo Ururka Qaran, waxa halkaa ka hadlay Axmed Muxumed Madar oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye, waxaanu ka warbixiyay Muhiimadda Dhalinyarada iyo Macnaha Ereyga Dhalinyaro oo uu sheegay inuu yahay da’da u dhaxaysa 15-ka ilaa 25 jirka. Waxaanu ku dheeraaday taariikhda waqtigii uu dhalinyarada ahaa iyo halgankii siyaasadeed ee ay dalka u soo galeen, isaga oo u soo jeediyay Dhalinyaradda xillgani inay aqoonsadaan oo ay arkaan awoodda ay dalka ku leeyihiin. Waxa kale oo uu ka hadlay kaalinta Guurtidu ku leedahay xallinta muranka Siyaasadeed ee dalka oo uu sheegay inay awood u leedahay inay go’aan ka gaadho. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed-Siilaanyo oo isna hadal hordhac ah halkaa ka jeediyay ayaa Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda ku eedeeyay Xadhigga Shacabka, Suxufiyiinta iyo arrimo kale. “Dhinaca kale haddii aynu eegno, waar yaa Dhalinyarada Xabsiyada u taxaaba ee Xabbadda la dhacdaa ma Kulmiyaa, mise waa Dawladda UDUB? Waxa weeye Dawladda UDUB. Waar ciddaynu ogayn ee Saxaafadda maalin walba Xabsiyada u taxaabaya ee xidhaya kuwa dawladda mooyaane, inta kale oo dhan, ma Kulmiyaa mise waa Dawladda? Waad ogaydeen oo Madaxweynuhu iyada oo 18-ka May tahay ayuu inta uu halkaa istaagay uu yidhi Cadowga guduhu waa Kulmiye, waana hadalka uu maanta ku hadlo Xoghayaha guud ee UDUB.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Waxaanu ka hadlay Kalsoonida Xisbigiisu Dadweynaha ku qabo iyo in uu talada dalka ku guulaysto, waxaanu yidhi, ““Ilaahay wuxuu igu ogyahay kalsoonida aan maanta ku qabo Umadda iyo Shacabka, waxaan aaminsanahay haddii Doorasho xor oo xalaal ahi dhacdo in aanu Shacabka Somaliland codkooda helayno 80% iyo in ka badan. Mar kasta oo Doorasho dhacdana, diyaar baanu u nahay oo waa ta aanu meesha u taagannahay.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay jiraan Dalal maalin kasta Doorashooyin qabta, balse loo baahan yahay in Doorasho uun loo baahnayn ee mid xor iyo xalaal ah loo baahan yahay in la qabto. “Doorasho Waddamo badan ayaa qabta oo kuwa Deriska ah ayaa qabta, M/weynaha Zimbabwe Robert Mugabe wuu qabtaa, kuwa Uganda way qabtaan, waddamo badan oo kale oo aanan sheegaynin oo aanay hadda Afku inoo qabanaynin way qabtaan. Qaar baa 30 ilaa 40 sanno joogay oo maalin walba Doorasho qabta.. Doorashada dhabta ahna waa loo wada siman yahay Hantida Qaranka. Balse, Inaga halka Anaga Xafladdan uu Ilaahay ogyahay sida aanu Kharashkeeda ku bixinay, Xisbiga UDUB Lacag baa loo daraa xubnaha marka ay imanayaan.” Ayuu yidhi. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye wuxuu naqdiyay Masuuliyaadka Baanka Somaliland iyo Lacagaha la soo daabaco ee Shilinka Somaliland. “Maxaa keenay in Sanad walba marka Doorasho soo dhaw dahay Lacag cusub la soo daabaco oo Dad badani inooga baxaan. Waxa Guddoomiyaha Baanka la waydiiyay oo la yidhi maxaad ula eegataa Doorashada Lacagta aad soo daabacataan, wuxuu yidhi Iyadaa isku beeganta ee Anigu kuma beego. Sanad kasta waxa Miisaaniyadda lagu soo daraa Lacagta Burco Giimbaarta ayaa laga bedelayaa, lamana arko. Waxa xigtay Aafadii Burco iyo tii Laascaanood, welina ma jirto Lacag Laascaanood la geeyay. Meel ay Lacagtaasi martayna cid ka war qabtaa ma jirto.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye, waxaanu ku eedeeyay Baanka dhexe in lagu lunsado Lacagayow badan. “Waxa uu ka mid yahay (Baanku) Hay’adaha aanu baabi’inayno ee aanu bedelayno ee aanu Siyaasaddiisa xor ka dhigayno. Waxaananu u samaynaynaa Guddi fulineed cid kasta ka madax bannaan.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Isaga oo mar kale ku celiyay in aanay aqbali doonin Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Rayaale, isla markaana uu xaaraan ku tilmaamay muddo-kordhin la sameeyo. Waxaanu soo jeediyay in labada Gole lagu wareejiyo talada dalka. “Markaa Xil-gudasho-la’aantii ma waxa umadda la odhanayaa, maantana Madaxweynuhu Xilkii buu gudan waayaye maxaynu abaal uga dhignaa, ha loo kordhiyo. Anagu halkaa mawqif kaliya ayaanu iska soo taagnay…Waxaanu leenahay, waa in labada Gole ee Sharciga ah ee Wakiillada iyo Guurtida oo iyagu dadku soo doortay ama Sharciyan u magacaaban ee Bulshada u wakiil ah talada lagu wareejiyo, iyana ay sameeyaan ciddii Doorasho xor ah oo xalaal ah umadda gaadhsiisa. Halkaas ayaanu taaganahay.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Waxa kale oo uu ka hadlay Dhalinyarada iyo Siyaasadda uga meel taala Xisbigooda, waxaanu yidhi, “Dhalinyarada marka laga hadlayo, waxaanu aaminsanahay oo aanu idiin caddaynaynaa in Dhalinyaradu ay tahay mustaqbalka dalka oo ay xaq u leeyihiin in ay si buuxda ka qaadaan maamulka dalka iyo mustaqbalkiisaba..waxaanu qabnaa in laga bedelo oo laga dhigo 25-jir..waxaanu diyaar u nahay in aanu dhalinyarada ka dhigno kuwo saamayn ku leh talada iyo arrinka.” Intaa ka dib waxa la weydiiyay su’aalo kala duwan, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyay waxay u dhaceen sidan;

S: Guddoomiye, magacaygu waa Cabdilaahi Axmed Caarshe waxaan ka mid ahay Ardayda Jaamacadda Hargeysa qaybta Saxaafadda ka baxay, waxa jira tacaddiyo Xukuumadda & Madaxtooyadu kula kacday Suxufiyiinta madaxa bannaan, haddiiba aad ku guulaysato talada Madaxweyne Rayaale Maxkamad ma soo taagaysaa? mase jiri doontaa Dhaqaale aad u taageerto Saxaafadda?

J: Siilaanyo: Waxa jirta oo Shuruucdu dhigayaan in cid kasta oo lagu helo in ay Hanti Qaran lunsatay oo si cad u lunsatay, Hay’adaha ay khusayso waa mid u taala oo maalin uun lagu qaadi doono oo ay noqon doontaa, taas waa mid aanay Shaki ku jirin. Midda kale, Anigu maanta odhan maayo waxaas ayaan Saxaafadda siinaynaa, balse waxaanu diyaar u nahay in ay madax-bannaani taam ah yeelato oo Shuruucdeeda lagu dhaqmo.

S: Magacaygu waa Xadiis Maxamed Xadiis, waxaan ahay Suxufi Madax-bannaan, su’aashaydu waxay tahay Aniga oo Guddoomiyaha waydiinaya, waxaad had iyo jeer u sacab tuntaan dhaliilaha Xukuumadda ee Warbaahintu baahiso, maxaa berri kaaga meel yaala in aanad kala jeclaysan doonin Saxaafadda?

J: Siilaanyo: Waxaan ballan qaadayaa in aan Saxaafad xor ah oo madax bannaan oo aan dhiirigeliyo aan sameeyo oo aan Gacansiiyo.

S: Magacaygu waa Ibraahim Siyaad Yoonis, Jaamacadda Hargeysa ka tirsan, Xisbiga waxaan weydiinayaa haddiiba aad talada ku guulaysataan Guddoomiye, talada qayb ma naga siin doontaa, mise sida Madaxweynaha hadda ayaad Ciidan tiro badan isku oodi doontaa?

J: Cabdicasiis M. Samaale: In aan Masuulka u sareeya ee Kulmiye aanu Albaabka hoosta ka xidhan ee sidaa hadda loola fadhiyo loola fadhiyi doono xilliyada qaarkood, dabcan xilli walba maaha, ballankaa waanu qaadaynaa.

S: Magacaygu waa Axmed Gobadhle, Jaamacadda Hargeysa ayaan ka socdaa, waxaan idin weydiinayaa, waxa jirta in haddii shaqo soo baxdo aan loo eegin Cilmiga iyo Aqoonta qofka ee la yidhaahdo keebaa Adeer loo yahay oo xitaa Shirkadihii gaadhay, maxaad ka qabanaysaan?

J: Maxamed Xaashi Cilmi: Cadaalad sida lagu helaa waa marka Shaqo laga hadlyo in Imtixaanno jiri jiray la soo celiyo..Aniga wey I soo martay oo markaan Dawladda hoose (Hargeysa) joogay Odayaal baa ii keenay Innamo ay wadaan oo ay shaqo u doonayaan, markaan idhaahdo Imtixaan ayuu galayaa ayay dib ula laaban jireen. Markaa waxaynu u baahanay in ay imtixaankii soo celino oo aynu karti ku qorno.

S: Magacaygu waa Maxamed Faarax Miigane oo ka tirsan Jaamacadda ADMAS, waxaan idin weydiinayaa diyaar ma u tihiin in aad dalka keento Wasiiro tiro yar oo tayo haddii aad ku guulaysato talada? Gabboose waxaan weydiinayaa, Kulmiye waad la heshiisay, berrito haddii uu talada ku guulaysto Kulmiye, Qaran ma gaar bay isku taagi doontaa?

J: Dr. Gabboose: Axmed-Siilaanyo waxaanu kula talinay oo uu naga aqbalay in uu Dawlad tiro yar oo tayo badan uu dalka ka dhiso, waayo aqoontiisa ayaaba dhaqaale ku dhisan. Qaran ahaan, runta markaan idiin sheego damac Siyaasadeed waanu lahayn, hase ahaatee, waxay xambaarsanayd mabda’a weyn oo Daaqadaha SIyaasadeed idiin furayay oo ah in aad Urur furan kartaan. Labada Xisbi ee kale ma ogola, balse Xisbiga Kulmiye wuxuu ogolaaday maalinta uu soo baxo Dawladaha hoose ee u horeeya inay ka qaybgalayaan ciddii doonaysa in ay Urur furato.

S: Magacaygu waa Umal, waxaan Kulmiye weydiinayaa waxa jirta in Wasiirka Dhalinyaradu uu Wasiir ka yahay Wasaaraddii Dhalinyarada, balse uu yahay Nin weyn oo aan Dhalinyar ahayn, ma ballan qaadaysaan in aad Wasaaraddaas u magacawdaan Nin Dhalinyaro ah haddii aad guulaysataan? Guddoomiye, haddiiba Xukuumaddu cudur-daar keento Doorashada ah, maxaa kuu meel yaalla?

J: Silaanyo: Marka hore waa ballan-qaad oo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxaan ka dhigayaa Qof Dhalinyaro ah. midda kale, waxaynu ku dagaal galaynaa in aanay cidiba inagu soo dhawaanin oo in laynaga badinayaba kumaynu talo-gelin ee in aynu badinayno ayaynu ku talo-galaynaa oo aynu qorshaheena ku dhisaynaa.

S: Waxa la maqlaa uun Server-ku wuxuu ka shaqaynayaa dadkii is-diiwaangeliyay, marka hore muxuu yahay Server-kani?
J: Xuseen Axmed Caydiid: Bahalkan Server-ka la yidhaahdaa wuxuu ahaa goobtii lagu habayn lahaa DIiwaanka Qaranka iyo Xogtii laga soo ururiyay Diiwaangelintii Qaranka..Bahalkan Server-ka ee la yidhaahdo hawshii kala shaandhaynta ayaa ka socota waxay ahayd in uu qabto dadka ku noq-noqday Diiwaangelinta..Balse, Anigu waxaan ka mid ahay Guddida Diiwaangelinta Qaranka oo waxa lanoogu talo galay in aanu Diiwaanka wax ka habayno, hase ahaatee, ma u lmalaynaynsaan in aanan weligay arag oo aanan gelin halka uu yaalo. Sheeko ayuun buu igu yahay, ma Libaax Ilko waaweyn ayuu le’eg yahay, miyuu ka yar yahay.

Wargeyska Ogaal

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: