Toggaherer’s Weblog

MASUULIYIINTA SOMALILAND EE GOBOLKA SOOL OO TAAGEERAY GOAANKII MUDDO KORDHINTA GOLAHA GUURTIDA

Posted on: March 28, 2009

MASUULIYIINTA SOMALILAND EE GOBOLKA SOOL OO TAAGEERAY GOAANKII MUDDO KORDHINTA GOLAHA GUURTIDA
Laascaanood 28 MAR 2009 THN
Masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool oo taageeray go’aankii muddo kordhinta Golaha guurtida.

Iyadoo ay maanta Golaha Guurtida Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen muddo kordhinta xukuumada hadda talada haysa muddo lix bilood oo danbe ay inay xilka madaxtinimada Somaliland ay sii hayso ayaa waxaa soo baxaya baaqyo lagu taageerayo arinkaasi.

Maamulka Somaliland ee Gobolka Sool ayaa waxa ay taageereen muddo kordhinta Golaha Guurtida ee Somaliland iyagoo ku tilmaamay in Golaha Guurtida ee Somaliland ay gaadheen go’aan looga baahnaa inay gaadhaan kaas oo ku salaysan aqoon iyo waayo aragnimo loona baahan yahay in lagu dhaqmo.

Sidoo kale masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool oo si wada jir ah saxaafada u soo gaadhsiiyay go’aankan iyadoo uu hor kacayay Taliyaha Qaybta Police-ka Gobolka Sool ahna kusimaha Badhasaabka Golka Maxamed Saleebaan Gooni ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay geesinimada ay sameeyeen in loogu tahniyadeeyo.

Muddo kordhinta Golaha Guurtida ee Somaliland ay u kordhiyeen xukuumada hadda talada haysa ayaa waxa ay ku tilmamaeen maamulka Somaliland ee Gobolka Sool inuu yahay muddo kooban oo loogu diyaar garoobayo doorashada Somaliland taas oo ku dhici kari wayday waqtigii loogu talo galay cilado farsamo awgood.

Hadaba muddo kordhintan codka aqlabiyada ah ay ku ansixiyeen Golaha Guurtida ee Somaliland uuna ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Saleebaan Gaal ayaa waxaa ay kusoo beegantay xilli muran siyaasadeed uu ka jiray Somaliland taas oo soo afjarmay maanta iyadoo ay shacabka Somaliland si wayn ugu tahniyadeeyeen.

Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolk Sool.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: