Toggaherer’s Weblog

“Lixda April wax dhacayaa ma jiraan ee Nabad ayaa dhacaysa insha Allah” Suldaan Xiiray

Posted on: March 28, 2009

“Lixda April wax dhacayaa ma jiraan ee Nabad ayaa dhacaysa insha Allah” Suldaan Xiiray

Hargaysa 27 March 2009 (THN)
Kulan lagaga hadlayay tahriibta oo ay soo qabanqaabiyeen ururka SOCEVO,
ayaa caawa lagu qabtay Guryo Plaza Hotel ee waaxda Gacan-Libaax ee
magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen, madaxda ururka SOCEVO, dhalinyaro,
aqoonyahano, cuqaal iyo salaadiin ayaa guud ahaan ahaa mid si wayn
dhalinyarada loogaga waaniyay tahriibka.

Gudoomiyaha ururka Mr Cabdisalaan ayaa tibaaxay waxqabadka ururku intii
uu jiray, iyo kulankan oo ay u qabteen kadib markii ay arkeen tiradii
dhalinyarada tahriibaysa oo sii badatay.

Macalin Siciid Ibraahim ayaa isna si cilmiyaysan u faaqiday xaaladaha
adag ee soo wajahda dhalinyarada tahriibta ee ah xoogii dalka, sida
jeelasha, xaqiritaanka iyo dhimashada.

Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo madasha ka jeediyay khudbad waano iyo
waxsheeg ah ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay ” Ururka SOCEVO waan
uga mahadnaqayaa qabashada kulankan, waxaanse ka tacsiyadaynayaa
madaxdii la soo casuumay oo aan wada imanin, oo ay ahayd in ay
yimaadaan, waxaanad moodaa in madaxdii dalku ay maanta ka helayaan uun
imaatinka meel lagu yooyootamo, oo iyadoo madal waxbarasho la joogo
haddana siyaasad uun lagu faaqido, waxayse ahayd in ay yimaadaan
meeshan lagaga hadlayo sidii loo badbaadin lahaa nafo baxaya, hadii
maanta halkan lagu hayn lahaa olole siyaasadeedba iyaga oo ordaya ayay
iman lahaayeen e.”

Suldaan Yuusuf oo ka hadlay dib u dhigista doorashada ayaa yihi “Lixda
April wax dhacayaa ma jiraan insha Allah ee nabad ayaa dhacaysa,
ummadan dagaalada ka soo doogtay ee danyarta ah, looguma hanjabayo wax
baa dhacaya, dalka oo ay abaaro ba’ani ka jiraana ma ahayn uun in
doorasho la hadal hayo, waayo dadkii codka bixin lahaa waa in
abaaraysan iyo in tahriibtay”. Suldaan Yuusuf waxa uu si guud mar ah
uga sheekeeyay heerarkii kala gadisanaa ee ay Somaliland soo martay,
isaga oo sheegay in ay madax dhaqameed ahaan u taagan yihiin ilaalinta
nabadgelyada, oo ay taageerayaan cid kasta oo nabada u heellan mar
walba.

Suldaan Yuusuf, waxa uu dawlada, mucaaridka, haayadaha kala gadisan u
soo jeediyay in ay maalgeliyaan kulmada noocan ah ee lagu badbaadinayo
xoogii dalka, inta qarash badan lagu bixinayo waxyaabo badan oo aan
micno badan lahayn.

Kulankan waxa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay Iimaan Maxamed Cumar,
oo kaali wayn ka ciyaartay qabashada kulankan iyo horumarka
dhalinyarada waaxda Gacan-libaax. Waxaanu kulanku ku dhamaaday jawi
wanaagsan, waana kulan noqon doona mid bishiiba mar dhaca insha Allah.

Siciid Maxamuud Gahayr
Voluntary News Writter.
saedmgahair@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: