Toggaherer’s Weblog

AFAR WARIYE OO XABSIGA LA DHIGAY WARIYAYAASHA AYAA HADDA KU XIDHAN SALDHIGA DHEXE

Posted on: March 28, 2009

AFAR WARIYE OO XABSIGA LA DHIGAY WARIYAYAASHA AYAA HADDA KU XIDHAN SALDHIGA DHEXE

Hargaysa 28 March 2009 (THN)
Afar wariye oo ka tirsan idaacada Radio Horyaal ayaa xalay ay xukuumadu xabsiga u taxaabtay kuwaa oo uu ka mid ahaa wariye Liibaan Maaweel Shire Shire oo ah SomalilandFuture iyo Abdi Abokor Siciid , halka ay maant isna ay ku dareen wariye kale oo ka tirsan isla idaacadasi Horyaal kaas oo lagu magacaabo wariye Axmed Saleebaan dhuxul kaas oo ay ku qabteen isaga oo ku jira hawl maalmeelkiisii taas oo laga qabtay xarunta baarlamaanta ee magaalda Hargaysa .

Waxaa xadhiga suxufiyiintan cambaareyey madaxda Radio Horyaal , masuuliyiinta xibiyada mucaaradka iyo waliba madaxda ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLja waxaanay xukuumada Somaliland ciidan Police ka iyo waliba wasiirka arimada gudadaha ugu baaqeen in si deg deg ah xoriyadoodii loogu soo celiyo suxufiyiintan.

Ilaa iyo hada lama oga xadhiga suxufiyiintan taas oo loo malaynayo uun in ay tahay falalkii ay hore u samayn jirtay xukuumada Daahir Riyaale Kaahin , afartan wariye ayaa hadda Ku xidhan Saldhiga Dhexe ee Hargeysa mar aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino taliyaha Saldhiga Dhexe ee Hargeysa Taliye Maxamed Case sababta loo xidhay wariyayaashan ayaa uu ka gaabsaday taliyuhu in uu wax nooga sheego sababta xadhigooda ama loo soo xidhay raxantan wariyayaasha ah waxaanu yidhi Adeer lama socdo anigu warkaa.

Warqabdka togaherer
Magalo madaxda Somaliland ee Toggaherer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: