Toggaherer’s Weblog

LABA MARKAB OO LAGA KALA LEEYAHY GRIIGA IYO NORWAY OO BUDHCAD AFDUUTAY

Posted on: March 28, 2009

LABA MARKAB OO LAGA KALA LEEYAHY GRIIGA IYO NORWAY OO BUDHCAD AFDUUTAY


Dette kan skje fordi Somalia ikke har statsmakt som er i stand til å stoppe dette.

Oslo-Norge 27 March 2009 (THN)
Kooxahaa Budhcadbadeeda Soomaaliya ayaa xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gacanka cadmeed waxa ay qafaasheen labo markab oo laga kala leeyahay wadamada Norwey iyo Giriiga.

Qabashada labadani Markab ayaa waxaa xaqiijiyey ciidamada Badda ee mareykanka oo sheegey in ay kooxaha burcadu ay ka qabsadeen biyaha gacanka Cadmeed labadani markab.

Markabka laga leeyahay Giriiga oo lagu magacaabo MT Nipayia oo ay saarnaayeen 19 shaqaale ah ayaa sidey 900 oo tan oo xamuul ah,iyagoo ay ka qabsadeen meel u jirta 450 Mile oo barige xeebaha Koonfureed ee Soomaaliya sida ay sheegeen midowga Yurub iyo NATO

Sidoo kale markabka laga leeyahay wadanka Norwey ayaa waxaa lagu magacaabaa MT Bow Asir, waxaana la sheegey inuu sidey ilaa 250 tan oo xamuul ah isagoo la qabsadey maalinimadii Khamiista ayaa waxey ka qabsadeen meel u jirta bariga xeebaha Koonfureed ee Soomaaliya 400 KM

Andrew Mwangura oo ah madaxa xafiiska gaadiidka bada iyo bad mareenada Bariga Afrika ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegey in uu afduubkani yahay kii ugu weynaa ee sanadkan dhaca waxeyna ku tusaysaa inay burcadu sii badaneyso oo ay haystaaan nolol wanaagsan.

Burcad badeeda ayaa waxey iyagu ka qadhaabsadaan biyaha Soomaaliya, kuwa gacanka cadmeed iyo bedweyn Hindiya iyagoo maraakiibta ay qabsadaana ka helaan malaayiin doller maraykanka ah oo madax furasho ah.

Arrintani ayaa waxey ku soo beegmeysaa xili ay xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gacanka Cadmeed ay gaaf wareegayaan markiib dagaal oo ka kala socda wadamo badan, kuwaasi oo la sheegay inay ilaalinayaan lana dagaalamaan budhcad badeeda Soomaalida ee ka qadhbada xeebaha aan kur ku soo xusay .

Warqabadka Togaherer
Oslo
Norge

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: