Toggaherer’s Weblog

XILDHBAAN CABDI QADIR JIRDE OO SHIRJARAAID KU QABTAY HADHWANAAG HUTEEL EE MAGALADA HARGAYSA

Posted on: March 27, 2009

XILDHBAAN CABDI QADIR JIRDE OO SHIRJARAAID KU QABTAY HADHWANAAG HUTEEL EE MAGALADA HARGAYSA

Hargaysa 26 March 2009 (THN)
Xildhibaan Cabdi Qaadir Xaajir Ismaaciil Jirde oo ah xubinka tirsan golaha wakiilada Somaliland ugana soo baxay xubiga talada haya ee Udub gobolka Hargaysa ayaa oo maanta shir jaraid ku qabtay huteel hadhwanag ee magaalda Hargaysa ayaa ayaa Xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in dawladda wakhtigan talada haysa muddo ku-meel-gaadh ah loo kordhiyo, balse lagu xidho Shuruudo adag, sidoo kalena la xaddido awoodda dawladnimo ee ay leedahay waxa kale oo uu ku daray in talaabooyinka muhiimka ah ee ay dawladu qaadayso in ay kala tashato gudoomiyayaasha xisbiyada qaranka ee Ucid iyo Kulmiye.

“Markay arrimahan oo kale yimaadaan laba hab ayaa furan, labadaa siistam waxa weeye, waxa loo kala raacaa dawladdaha Baarlamaaniga ah iyo kuwa teenan oo kale ah. Dawladda Baarlamaantariga ahi waa ta had iyo jeer dhacda, ama kalsoonidii hawaydo oo hala yidhaahdo dawladaasi way dhacday ama doorasho halagaga helo iyada waa la yaqaanaa oo waa qaynuun yaala oo dawlad ku-meel-gaadh aha ayay noqotaa. Dawladdaas ku-meel-gaadha ahina qawaaniin iyo xuduud bay leedahay, waxa weeye wax badan baa ka reeban oo muhiimadda kale ee muddadaas loogu kordhiyay waxa weeye inay doorasho dalka gaadhsiiso, wax kale oo ay qabanaysaa oo aan hawshaa cadiga ah ahayni ma jirto, siyaasadda wax ka bedali mayso. Wax cusubi haddii ay yimaadaan oo ay duruuf cusub oo ah in deg-deg wax looga qabto, qasab waxa ku ah ileen dawlad soo socota ma garanayso’e waxa jira Axsaab kale oo la tartamaysa, Xisbi waliba dawlad buu soo wataa hadduu helo, waa inay la tashato oo ay tidhaahdo arrintaa maxaynu ka yeelaa, taa waxba ku fogaan maayo oo waa dawladdii habka Baarlamaaniga ah ku dhisnayd.”
Mudane C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka hadlayay qodobka 83-aad ee dastuurka Qaranka, oo loo daliishado muddo kordhinta, wuxuu tilmaamay in qodobkaasi aanu xidhiidh la’lahayn waxa loo daliishanayo, waxaanu yidhi “Laba waxood uun baa la yeeli karaa, wax inooga meel yaalaana ma jiro, Qodobka 83-aad ee dastuurkuna arrintaas ma khuseeyo Qodobka 83 waa habka doorashada, firqadihiisuna waxay tilmaamayaan uun xaaladaha caadiga ah, waxa kaliya ee ku jira markay timaado masiibo caam ahi oo kaliya. Markay xaalad qeyrul caadi ahi timaado tallo ayaa loo baahan yahay in la iskaga yimaado.”Sidaa waxaa yidhi mudane Jirde oo ka hadlaayey qodobka 83 aad.

Waxa kale oo Xildhibaanku ka hadlay arimo badan kuwaas oo uu ugu baaqay gudomiyaasha xisbiyada in ay isu aqoonsadan madawynayayaal kayd ah halka uu yidhi Riyaalena waa madaxweynaha hadeer inoo haya xilka maxweynanimo taas oo uu sheegay in dawladan loo daayo haysa xilka balse shuruudo lagu xidho isla markaana wada tashiyo balan ay ka sameeyaan wax wal oo la qabanaayo taas oo uu yidhi abidkeed waa loo kordhin jiray madaxweynaha markaa talda haya ee dawladeena somaliland ilaa ila Maxamed Ibrahim Cigaal ayey arinani socotay waana xal mar walba lagu xalinaayo in uu khilaaf baani yimaado.

Mar u ka hadlaayey xidhibaan Jirde in wasaaradaha la xakameeyo oo waliba sadexda ugu muhiimsan la aad loogu fiirsado hadii wasaaradon la wadaagoyana la wadaago sadexdaas waxa uu yidhi . “Xiliga doorashada lagu jiro saddex Wasaaradood ayaa hawlbawle ah, saddexdaasi waxa weeye Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta, saddexdaa wasaaradood waa in la helaa wixii lagu xakamayn lahaa Afkooda iyo Addinkooda Sharciyan loogu xakamayn lahaa waa in la helaa muddadaa la kordhiyay ee doorashada loo diyaargaroobayo. Xakamayntaasi waxay noqon kartaa cid Shaadhaw-garaysa oo Wasaarad walba hawshii loo dirtay ay waddo oo aanay awooddii dawladda doorashad ku leexininaynin, oo Idaacaddii loo siman yahay, oo Nabadgalyadii loo siman yahay oo Maaliyadda eegta inaanay galayn hawshii Xisbiga iyo ololihiisa. Middi waxay noqon kartaa Madaxweynayaasha kaydka ahi nimankay u magacaabi lahaayeen Wasaaradahaas magacaabo oo yidhaahdaan Wasaaradahaas shaqadooda inoo illaaliya oo nin waliba Wasiirka uu Maaliyadda u magcaabi lahaa yidhaahdaa waxaad shaadhawgaraynaysaa Wasiirka ee illaali. Markaa saddexdaa Wasaaradood in la qaybsado, oo ay timaaddo taas aan sheegayaa oo la helo ciddii saddexdaa Wasaaradood la xakameeyo,. Sidaa waxaa yidhi mudane jirde.

Ugu dambayntii waxa uu talo ku soo jeediyey dhinacyada kala ah Dawlahda iyo Xisbiyada mucaaradka in ay hawshan cagta u dhigaan sidoo kalena waxa uu u baaqay in la isu yimaado dhaamaan xisbiyada dalka, golayaasha qaranka iyo dhamaan cidii aqoon lagu tuhmayo ee dalka danaynaysa lagana tashao sidii loo gadhiin lahaa dalkan doorasho xor ah oo xalaal ah .

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: