Toggaherer’s Weblog

BIGEYSKA AADKA U KULUL & KANSARKA KU DHACA DHUUNTA OO LA SHEEGAY IN UU XIDHIIDH KA DHAXEEYO!!!

Posted on: March 27, 2009

BIGEYSKA AADKA U KULUL & KANSARKA KU DHACA DHUUNTA OO LA SHEEGAY IN UU XIDHIIDH KA DHAXEEYO!!!

Cabitaanka shaah aadka u kulul iyo Kansarka gala dhuunta ayaa la sheegay inuu xidhiidh ka dhexeeyo. Seynisyahanno reer Iran ah oo sameeyey baadhitaankan ayaa sheegay in la ogaaday inuu ka dhexeeyo xidhiidhku cudurkan iyo shaaha aad u kulul kadib markii ey baadhitaan qaatay waqti dheer ku sameeyeen dad reer Iraan ah oo iyagu aad u jecel shaaha madow(bigeyska ) ah oo ey cabbaan isaga oo kulul. Cudurka Kansarka (Cancer) ah oo gala dhuunta loona yaqaan Oesophagea (waa tubada cuntada u qaada caloosha) ayaa waxaa uu fara ba’an ku hayaan dalal badan oo ku yaala qaarada Asiya iyo Afrikada qaar kuwaas oo aad u jecel shaaha kulul. Dhakhaartiirtan sameeyey baadhitaankan oo ka howlgala Jaamacada Tehraan University kuna soo bandhigay warbixintooda British Medical Journal ayaa sheegay in cabitaanka shaaha kulkiisu gaadho 70C iyo wixii ka badan uu sababi karo Kansarka aan kor ku soo xusnay iyagoo sheegay ineysan weli ogeyn dhibaatada sida uu ugu geysto kuleylku dhuunta waxeyna sheegeen in loo baahan yahay baadhitaan dheeri ah. Cudurkan ayaa aad ugu yar wadamada Reer galbeedka ah iyadoo arintaasina loo sibirsaaray iney isaga daraan shaaha caano Caanahaas oo qaboojisa iyadoo dalalka Asia iyo qaar kamid ah Africana aad looga cabbo shaaha bigeyska ay u taqaan Somalidu waxaana u dhimatay sanad kasta cudurkan dad gaadhay 500,000 oo qof adduunka oo dhan walow ay ugu badan yihiin wadamada Asia. Sidoo kale dhakhaatiiirta ayaa sheegay in Tubaakada iyo Khamrigu hore loo ogaa iney qeyb ka yihiin waxa sababa kansarkan laakiin wadamada reer galbeedka waxey sheegeen in haatan arintani daliil u tahay sababta dadka Asiyaanka ah oo aan khamri iyo tubaakada sidaa u cunin uu ugu badan yahay cudurkan. Gobolka Golestan ee ku yaala waqooyiga Iran ayey sheegeen dhakhaartiirtu inuu ku dilo cudurkan dadka ugu badan adduunka waxaana ey sheegeen in dadka Tubaakada Cuna iyo khamrigu ey aad ugu yar yihiin laakiin seynisyahanada ayaa sheegay iney cabbaan ugu yaraan Hal Liter oo shaah bigeys ah maalin kasta. Dhakhaatiirtan ayaa ku taliyey in la iska qaboojiyo shaaha loona kaadiyo(sugo) inta aadan cabbin in muddo ah si uu kaaga qaboobo waxeyna sidoo kale sheegeen ineysan wanaagsaneyn in la cuno cunto kulul loona baahan yahay in la iska qaboojiyo cuntada. Dhakhaartiirta ayaa weli ogeyn in kuleylka iyo Kansarku (cancer) ey xidhidh leeyihiin iyagoo sheegay in loo baahan yahay in baadhitaan dheeri ah lagu sameeyo.

SOURCE:British Medical Journal DIYAARINTII: MUBARIK YUSUF MUSE (SIR MUBARIK)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: