Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA DAAKHILIGA XUKUUMADA SHARIIF OO LALA BEEGSADAY QARAX IYO WASIIRKA OO DHAWAC KA SOO GAADHAY

Posted on: March 26, 2009

WASIIRKA DAAKHILIGA XUKUUMADA SHARIIF OO LALA BEEGSADAY QARAX IYO WASIIRKA OO DHAWAC KA SOO GAADHAY

Muqdisho 26 MAR 2009 THN

Wasiirka arimaha gudaha Dawlada Midnimada Qaran ee Somalia Sheekh Cabdi qaadir Cali Cumar ayaa saaka ku dhaawacmay qarax miino oo saaka lagula eegtay gudaha magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa ToggaHerer u sheegay in halkaa uu ku nafbaxay xoghaynta wasiirka oo markaa isagu wasiirka la socday.

Weriyahayaga magaalada Muqdisho Axmed Kulna Jookar waxa uu soo sheegaya in dhaawaca wasiirka halkii qaraxu ka dhacay laga qaaday waxaana war laga hayn heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawaca soo gaadhay wasiirka.

Wararka qaar oo aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhaawaca soo gaadhay wasiirka arimaha gudaha ee Somalia oo yahay mid fudud.

Markii qaraxa lala beegsaday wasiirka kadib ayaa laga maqlayay goobta rasaas la sheegay in ay ridayeen ilaalada wasiirka

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka qaraxa loola beegsaday wasiirka arimaha gudaha Somalia, iyadoo la sheegayo in qaraxa wasiirka lala beegsaday xili uu saarnaa gaadhigiisa halka warar kalena ay sheegayaan in isaga oo lugaynaya uu qaraxu haleelay.

Cabdi Alqaadir Cali Cumar waxa uu ahaa ku xigeenkii gudoomiyhii golaha fulinta ee midawga Maxkamadaha Islaamka, waxana uu hada wasiir ka yahay xukuumada uu ra’iisal wasaaraha ka yahay Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke ee dhowaan lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waa meel kaabiga ku haysa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxana uu wasiirku watay gadhi iyo afar nin oo istaafkiisa ah.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee magaalada Muqdisho lagula beegsaday wasiirka ka tirsan xukuumada cusub ee madaxwaynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waa meel ay ku badanyihiin xoogaga kasoo horjeeda Dawlada Somalia, lamana oga sida ay xaaladu isu bedeli doonto.

Wixii Warar ka soo kordha Kala Soco TogaHerer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: