Toggaherer’s Weblog

WARARKA CAALAMKA OO KOOB KOOBAN IYO WARQABADKA TOGGAHERER

Posted on: March 26, 2009

WARARKA CAALAMKA OO KOOB KOOBAN IYO WARQABADKA TOGGAHERER

MADAXWEYNAHII HORE EE DALKA TAIWAN OO MAXKAMAD LAGU SOO TAAGAYO DALKIISA.

Waxa maanta Casimada dalka Taiwan ee Taipei Maxkamad lagu soo saraya Madaxweynihii hore dalka Taiwan Mr. Chen Shui-bian ka dib marki lagu Eedayay Musuq maasuq.

Mr Chen oo 57 jir ah ayaa lagu Eedayay in Isga iyo Xaaskiisa aay Malaayiin lacagood luunsadeen.

Madaxweynihii hore ee Dalka Taiwan ayaa inkiray eedaymihii lagu soo rogay waxana uu sheegay in uu nadiif ka yahay ah eedamahaan oo dhan.

Mr Chen iyo Xaaskiisa Wu Shu-chen iyo 12 kale ayaa lagu Cadeeyay eedaymahan ah in ay lacag muq maasuq ah heleen,iyo in aay samayeen Documents- been abuur ah oo ay lacag farabadan ku qaateen.

Maxkamadan oo ka furmaysa Casimada Taiwan ee Taipei ayaa bilaabmaysa maanta halkaas iyadoo ay goob joogayaal ka noqonayaan masuulo sare oo ka mid ah kuwii xukumadii hore iyo kuwa cusuba.

Xaaska madaxweynahan lagu haysto danbiga ayaa inkirtay in ay lacag garaysa $2.2 million ku iibsatay dhuul ad u weyn, sida ay sheegeen sharciyaqaano qiray in lagu hayo danbigaas.

MADAXWEYNAHA DALKA SUDAN OMAR HASSAN AL-BASHIR OO KUU SOO LABTAY DALKIISA.

Madaxweynaha dalka Sudan Omer Hassan Al-Bashir ayaa Isla Xalayba soo gaba Gabeeyey Booqashadii gaabnayd Ee uu ku Tagay Dalka Masar halkaasi oo Masuuliyiin Ka Tirsan Dowladda Masar ay ugu soo Dhoweeyeen waxaana Uu Halkaasi Kula Soo Kulmay Madaxweynaha Dalka Masar Mohamed Husni Mubarik

Booqashadaan Uu Al-Bashir ku tagay Dalka Masar ayaa waxaa ay noqonaysaa booqashadii labaad ee u Dalka Dibaddiisa u anba baxo Iyada oo u Booqasho hore Ku Tagay dalka Erateria halkaasi oo si aada lagu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa Maxkamadda Danbiyada dagaal ee caalamku ay ku eedatysay In u Xasuuq ka gaystay Gobolka Daarfoor ee Dalka Sudan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Suudaan Deenq-Al-war Oo Isagu Madaxweyne Al-Bashiir Ku weheliyay Safarkan Uu ku tagay Dalka Masar ayaa waxa u sheegay In Maxkamadda Danbiyada dagaal anay Xukumi karin eedayna U soo jeedin Karin Madaxweynaha Sudan tasina ay tahay mid aan Sharci ahayn .

Waxaa u sheegay haddii Maxkamad In la Soo taago Loo baahdo Madaxweyne Al-Bashiir \oo Danbiyo dagaal lagu helo aay Xaq u leedahay Maxkamadda Dalkiisu In ay soo saarto waaran Madaxweynaah lagu xiro lagun Maxkamadeeyo.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Masar Ahmed Abdul Qayd ayaa Waxaa Uu shaaca ka qaday In Shurucda Caalamiga aah ee U yaalla Dowladaha Carbeed Aanu Raalli ka ahayn In la maxkamadeeyo Madaxweyne ka midd ah Madaxweynayaasha Carbeed Iyada oo aan wax Caddaymo aah lagu haynin waxaana uu Intaasi Raaciyay In Dowladaha Carbeed aay arrinta Al-Basiir ka siman yihiin rallina aanay ka ahhayn Eedayntasi .

Warka Calamka TogaHerer

ISLAMABAD PAKISTAN

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: