Toggaherer’s Weblog

SHIRKADDA DIYAARADAHA ZUHUURA AIRWAYS OO MAANTA SI RASMI AH XADHIGA LOOGA JARAY

Posted on: March 26, 2009

SHIRKADDA DIYAARADAHA ZUHUURA AIRWAYS OO MAANTA SI RASMI AH XADHIGA LOOGA JARAY

Hargeysa 25 March 2009 THN
Wasiirka Duulista Hawda Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa xadhiga si rasmi ah uga jaray Shirkada Diyaaradaha ee Zuhuura Airways maanta , xaflada furitaanka shirkadda Zuhuura Airways oo ka dhacday Haregysa International AirPort ayaa waxa ka soo qayb galay Saddexda Xisbi Qaran Mayerka Caasimada Eng Xuseen Maxamed Jiciir Wasiiro Madax dhaqmeedyo Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Mudane C/kariim Maxamed Iid Mulkiilaha Shirkadda 571 Mudane Kaysar Afdiinle Safiirka Ethiopia ee Somaliland iyo Wafti ka socday Dawlada Ethiopia iyo Qurba jooga Somaliland.

Mayer ka Caasimada Haregysa Eng Xuseen Maxamed Jiciir ayaa sheegay in hirgelinta Shirkadan Zuhuura mid ah talaabo hore loo qaaday oo wax ka tari doonta Dhaqaalaha dalka iyo isu socdka iyo xidhiidhka caalamka , sidoo Kale waxa iyana ka hadlay C/kariim Maxamed Oo ah Gudoomiyaha Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom iyo wasiirada Arimaha Gudaha Hawlaha Guud Duulista Hawada iyo Qoyska iyo madaxda Xisbiyada.

Gebogebadii ayaa Qurbajooga Somaliland ayaa iyana gudoonsiiyay intii ay xafladu socotay Mulkiilaha Shirakada AllaAmin 571 Kaysar Afdiinle Shahaado sharaf iyaga oo ku sababeeyey in uu dalka ku soo kordhiyay maalgashi wax tar ah.

Xafiiska Warqabdka ToggaHerer
Hargeysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: