Toggaherer’s Weblog

DAWLADA ISRAIL OO DAWLDA KENYA KA CAAWINAYSA DHINCA BEERISTA CASRIGA AH

Posted on: March 26, 2009

DAWLADA ISRAIL OO DAWLDA KENYA KA CAAWINAYSA DHINCA BEERISTA CASRIGA AH

Nairobi 26 March 2009 (THN)
Dowlada kenya ayaa waxay la gashay Heshiis wadanka Israa’iil si uu uga caawiyo wax soo saarka beeraha, Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada kenya ayaa Dowlada Isreal ku casumay in ay ka caawiso farsamada casriga ah beerista dhulka.

Safiirka Israaiil ee Wadanka Kenya Joseph Keider ayaa sheegay in wadankiisa ay casumeen Wasiirka Beeraha William Ruto iyo Charity Ngilu Dabaalgada Maalinta Deegaanka ee Bisha May 17 keeda.

Safiirka oo war saxaafadeed bixiyey ayaa yiri ” Waxay fursad qaali ah u tahay Ummada Kenya inay la kulmaan Khuburo ayna ka caawiyaan beerista dhulka ee casriga ah uga faa’iideyan wadankooda”

Dabaaldaga maalinta Deegaanka ayaa waxaa ka soo qaybgalaaya in ka badan 2,500 oo Urur oo soo bandhigi doona Talaabada ugu macquul ee Dhowsita Deeganka & Beerista.

” Waxaan jawaab ka bixinaa dhibaatooyinka inta badan kenya ka soo wajaha Deeganka & Biyaha waxaan had iyo jeer diyaar u nahay inaan kala qaybqaadno” ayuu yiri Safiirka Israa’iil Joseph Keider

Safiirka ayaa intaa raaciyey in kenya ayaa ka bartaan Israaiil Waxyaabo badan, oo ah Wadan yar oo Saxare ahaa oo Isku maareeyey inuu u soo saaro Shacabkiisa Cunto ku filan, Dibadana u Dhoofiyo ayuu ku daray safiirka

Tababaro ayey u fidisaa Israaiil Kenya.

Dowlada kenya waxay Tababaro Deegaanka ah ka heeshaa Israaill, oo ay ka fuliso Goobaha Dabiiciga ah, Dhul Beeraadka Iwm

Kenya Cilmi baadhis ay sameysay waxay ku sheegtay in 60% dadka ku nool wadankaas ay yihiin beeralay.

Wasiirka Xidhiidhka Horumarinta Joe Nyagah ayaa sheegay in kenay ay u baahantahy Baraamjijka Casriga ah ee Beerista Deeganka oo lagu soo saaryo Cuntada laga bilaabo dhulka Dabiiciga Doogan ilaa Dhulka Qalalan ee Abaarta ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku daray in kenya u baahantahay inay kordhiso wax soo saarka Cuntada, Isagoo intaas ku daray in wadanka ka yar dhul ahaan wadanka kenya uu cuntada usoo saaro.

Wasiir ayaa ku booriyey dadka reer kiinya in ay ka faaidaystaan fursadan qaaliga ah ee ay siinayso dawlda Israil taas oo ku waajahan sidii dhulka looga soo saari lahaa cuno tiro badan aynu bixi lahayd tamad aan badnayn oo la kaydinaayo tamartii lagu beeri lahaa xidiga intaaa leeg.

Warqabadka Togaherer
Oslo
Norway

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: