Toggaherer’s Weblog

DAD TIRO BADAN OO KA SOO JEEDA KOONFURTA SOMALIYA OO LAGU XIDHXIDHAY BOOSAASO

Posted on: March 26, 2009

DAD TIRO BADAN OO KA SOO JEEDA KOONFURTA SOMALIYA OO LAGU XIDHXIDHAY BOOSAASO

Ciidamada PIS-ka looga yaqaano Magaalada Boosaaso ayaa maanta hawlgallo ay sameeyeen waxa ay kusoo qab qabteen dad aad u fara badan oo ka soo jeeda koonfurta Somalia iyagoo qaarkoodna guryaha ay kala soo baxeen.

Waxa ay sheegeen Ciidamadaasi in dadkani ay soo qabteen ay yihiin kuwii soo abaabulay isla markaasina maxkamad lasoo taagi doono sida ay hadalka u dhigeen maadaama ay isku dayeen fal ammaanka wax u dhimaya in ay kudhaqaaqaan sida ay sheegteen.

Wasiirka Amniga C/llaahi Saciid Samatar ayaa ka hadlay arrintani waxaana uu xaqiijiyay in dadkani ay yihiin dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya isla markaasina ay doonayeen in ay ka faa’ideystaan marka fowdo halkaasi ay ka dhacdo isagoo aan fasirin waxa uu ula jeedo arrintaasi. Wasiirka ayaa qirtay in la ogeyn dadka illaa iyo hadda dambi ey galeen iyo iney ka qeyb galeen rabshadihii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Banaanbixii dhowaan loogu gurmaday Wadaadkii PIS ay ka xirteen Magaalada Boosaaso ayay ku tilmaameen in uu ahaa Dibadbax ujeedo kale wata isaga oo intaasi raaciyay in ay ka warhayaan halka iyo dadka soo abaabulay.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey dadkan badankood ka soo jeeda koonfurta Somalia iney doonayeen qal qal ammaan daro ka dhaliyaan magaalada Bosaaso iyadoo la sheegayo in dadka la qab qabtay ey ku jireen kuwa badan oo ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool iyo magaalada Muqdisho oo sida la sheegay xoogsato ka ahaa magaalada Boosaaso.

Shacabka reer Puntland ayaa iyagu ka soo horjeestay xiritaanka sheikhan reer boosaaso ah laftiisu iyagoo dhigay banaanbaxyo rabshado wata oo illaa sedex qof ey ku dhinteen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: