Toggaherer’s Weblog

QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN QAAXOOTIGA SOOMALIDA AH EE ISKA DHIIBAYA DALALKA YURUB AY KORDHEEN

Posted on: March 25, 2009

QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN QAAXOOTIGA SOOMALIDA AH EE ISKA DHIIBAYA DALALKA YURUB AY KORDHEEN

Geneva 25 Mar 2009 THN
Afhayeenka Hay’adda UNHCR oo dhanka qoxootiga u qaabilsan Qarammada Midoobay ayaa sheegay inuu jiro korodh dhanka qoxootiga Somalida ah ee iska dhiibaya dalalka Caalamka.

Mr. Rod Redmond oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Geneva ee dalka Swedzerlad ayaa sheegay in qoxootiga Somalida ah ee sannadkaan isdhiibay ay aad uga badan yihiin kuwii isdhiibay sannadkii hore ee 2007.”Qoxooti ka badan 380-kun oo ruux ayaa iska dhiibay 51 dal oo ah kuwa horumaray sannadkaan, taasoo ka dhigaysa mid ka badan 12%, tiradii sannadkii hore qoxooti ahaanta isku dhiibtay” ayuu yidhi Redmond.

Sarkaalkan u hadlay UNHCR, wuxuu sheegay in qoxootiga ugu badan ee ka cararay Somalia ay sanadkaan ka gudbeen biyaha u dhaxeeya Somalia iyo Yemen, iyagoo raadinaya nolol ka wanaagsan tan ay dalkooda ku haystaan.
“Kumaan Somali ah ayaa u cararay dalalka Afrika, qaarkood waxay ka gudbeen biyaha Mediterranean iyagoo galay dalalka Yurub, sababta ay dadkaas uga cararayaan dalkooda waa dhaqaalo la’aan, dagaalo joogto ah” ayuu yidhi Redmond.
UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in qoxootiga ka cararaya dalalka Afghansitan iyo Iraq ay sii kordhayaan, iyadoo taasna sabab looga dhigay dagaallada ka socda dalalkooda oo noqday kuwo xoogeystay.

Xafiiska Wararka ToggaHerer
UAE

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: