Toggaherer’s Weblog

DUULIYE DIYAARADEED OO AY DHACDAY DIYARADIISI OO LAGU XUKUMAY XADHIG KA DIB MARKII UU ALLE BARYAY

Posted on: March 25, 2009

DUULIYE DIYAARADEED OO AY DHACDAY DIYARADIISI OO LAGU XUKUMAY XADHIG KA DIB MARKII UU ALLE BARYAY

Palermo Italy 25 March 2009 THN
Nin duuliye diyaaradeed ah magaciisana La yidhaa Captain Chafik Gharby una dhashay wadanka Tuunis ayaa Maxkamad ku taal wadanka Talyaanigu ku xukuntay Xadhig gaadhaya 10 Sanadood ka dib markii diyaradiisi burburtay lana maqlay isaga oo Alle Tuugaya baryayana Ducaysanyana Xusayana Alla SWT iyo Nabi Muxamed Calyhi Salaam.

Duuliye CHAFIK ayaa lagu eedeeyey in uu Salaad iyo Alle Bari u kacay wakhtigii ay diyaaradiisu dhacaysay halkii uu la iman lahaa hawl fulin badbaado ah oo degdeg ah , Diyaarada ayaa waxa lahayd Shirkada Diyaaradaha ee Tuunis waxayna ku dhacday Xeebta Jasiirada Sicily ee Talyaaniga 4 sano ka hor waxaana ku dhintay 16 Ruux waxaana ka badbaaday 23 kale halka kuwa ka badbaaday burburku ay dabaal ku yimaadeen xeebta halka qaarna ay fuushanaayeen burburkii baalashii diyaarda .

Captain Chafik ayaa intii hore lagu sheegayay Geesi Geesi dhalay oo badbaadiyey Rakaabkiisii intoodii badnayd halka Shilkana lagu sheegay mid ahaa mid farsamo.

Se xeer ilaalinta magaalada Palermo ee talyaaniga ayaa dacwad ku soo oogay Maxkamada Palermo na way ka ogoolatay dacwadaas , Diyarada ayaa ka kacday kana duushay magaalada BARI 6 August 2005 iyada oo u sii jeeda Jasiirada Djerba ee dalka Tunis laakiin marka ay dul marayso Jasiirada Sicily ayuu istaageen dhamaan Mishiinadeedi waxanu ku dajiyay badda , laakin xeer ilaalinta ayaa sheegay halkii uu kaga dajiyay badda in ay ahayd in uu ku dajiyo Garoonka Palermo airport maadama oo uu haystay shidaal ku filan oo uu ku dego .

Sidoo kale xukunka iyo markhaatiga loo cuskaday xukunka Duuliyahan ayaa loo daliishaday cod la duubay oo uu yidhi Captain Chafik lana maqlay isaga oo Alle Tuugaya baryaya Ducaysanaya Xusayana Alla SWT iyo Nabi Muxamed Calyhi Salaam .

Qareenka ama Afmaalka Captain Chafik , Qareenad Francesca Coppi ayaa Tidhi Marka aad xaalad halis ah ku jirto waad baryaysaa Alle isna Wuxuu baryaya Alle SWT sida aynu u barino mid kasta oo inaga mid ahi marka uu ku sugan yahay xaalad adag.

Waxa soo Turjumay soona Diyaariyey : Mubarik Yusuf Muse

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: