Toggaherer’s Weblog

WARSAXAAFADEED XISBIGA MUCAARADKA AH EE KULMIYE UU MAANTA SOO SAARAY .

Posted on: March 24, 2009

WARSAXAAFADEED XISBIGA MUCAARADKA AH EE KULMIYE UU MAANTA SOO SAARAY .

Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa daboolka ka qaaday mawqifkooda ku aadan doorashada Madaxtooyada iyo sharciyadii xilka Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa oo ay tilmaameen in ay ku eeg tahay 06 April 2009, isla markaana wixii ka dambeeya aanay sinaba u ogolaanayn muddo kordhin dambe, maadaama aanay jirin duruufihii adkaa ee uu sharcigu tilmaamay In kordhin la samayn karo. waxaana Xisbiga KULMIYE u u soo jeediyay in labada Gole ee Sharci-dejintu Dalka u soo dhisaan Xukuumad ku-meel-gaadh ah oo muddo kooban Dalka ku gaadhsiisa Doorasho.

Xisbigu waxa uu sidaa ku sheeegay war-saxaafadeed uu maanta ka soo saaray xafiiska guud ee magaalada Hargaysa, kaas oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md, Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo, waxaana uu qornaa sida:-

“UJEEDDO: MAWQIFKA XISBIGA KULMIYE EE XILLIGA DOORASHADA IYO DHAMMAADKA XILKA MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKIISA

Jamhuuriyadda Somaliland waa Dawlad Dimuqraadi ah oo ku dhisan Distoor loo qaaday Afti Dadweyne. Distoorkaasi wuxuu ku saleysan yahay mabda’a aasaasiga ah ee uu saldhig u yahay ku dhaqanka sharcig (Rule of law).

Nidaamka Siyaasadeed ee Dalka waxa saldhig u ah talo-wadaag iyo hannaanka Xisbiyada badan. Awooda xilka Madaxtooyadu wuxuu ku imaan karaa hanaanka sharcigu banaynaayo oo keliya oo ah Doorasho guud , shantii sannaba mar.

Waa waajibaadka Distooriga ah ee Madaxweynaha Xilka haya iyo xukuumadiisa inay qaban-qaabiyaan, isla markaana xaqiijiyaan inay Doorashadu ku dhacdo xilligeedii iyo habkii loogu talo galay (Article 83/2)

Distoorku (Article 42/3 iyo 83/5) wuxuu cudurdaar u yeelayaa oo keliya inay Doorasho did-u-dhici karto haddii ay yimaadaan duruufo adag dartood sida, dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus, sida dhul-gariir, cudurada faafa, iyo abaaro culus”.

Sida la wada ogsoon yahay, waxa dhammaaday muddadii 5-ta sanno ahayd ee xilka loo doortay Madaxweyne Rayaale, waxaana dib-udhac ku yimid (xil-gudasho la’aan awgeed ) xilligii doorashada loo qoondeeyey ee 15 April 2008, Waxayna Doorashadii dib ugu dhacday 29 march 2009, iyadoo ay Guurtidu muddo kordhin sanad ah u sameeyeen Madaxweynaha (in kastoo aanay muddo kordhintaasi ku imaanin duruufihii adkaa ee uu sharcigu tilmaamay), waxayna Madaxweynaha ku waajibiyeen inuu ku qabto Doorashada ugu dambayn 06 April 2009.

Waxa nasiib darro ah, in haddana mar kale dib u dhac ku yimid Doorashadii oo loo qoondeeyey mar kale inay dhacdo 31 May 2009, taasoo iyaduna ah muddo aan la hubin.

Xisbiga Kulmiye isagoo ka duulaya arrimahaas kor ku xusan, wuxuu caddaynayaa:

1. In uu Xisbiga KULMIYE diyaar u yahay Doorasho xor oo xalaal ah oo Sharciga waafaqsan.

2. In sida la ogsoon yahay sharciyadii xilka Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa waxay ku eeg-tahay 06 April 2009, sidaa darteed KULMIYE sinaba uma ogola muddo kordhin dambe, maadaama aanay jirin duruufihii adkaa ee uu sharcigu tilmaamay In loogu kordhin karo.

3. Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinaya labada Gole ee Sharci-dejinta inay Dalka u soo dhisaan Xukuumad ku-meel-gaadh ah oo muddo kooban Dalka ku gaadhsiisa Doorasho.

4. Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa inay ahayd sharciyan in la qabto Doorasho inta aan Madaxweynaha xilkiisu dhammaan. Marse haddii xilkiisii dhammaaday waxa mudnaanta leh in la dhiso xukuumad, si aynaan ugu dhicin meel bannaan ah ( Vacum ), ka dibna Doorashada la qabto.”

Wa billaahi tawfiiq

Axmed Maxamed Siilaanyo

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: