Toggaherer’s Weblog

R/WASAARAHA SOMALIA OO YIRI RAALI GALIN HA KA BIXYO HALKIISII MUDANE OOMAR W/ KHARAJIGA SOMALIA

Posted on: March 24, 2009

R/WASAARAHA SOMALIA OO YIRI RAALI GALIN HA KA BIXYO HALKIISII MUDANE OOMAR W/ KHARAJIGA SOMALIA

Moqdisho 24 March 2009 (THN)
Raiisul wasaaraha Dowlada Soomaaliya Mr Cumar Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke aya Jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray Wasiir ka mid ah Golahiisa Wasiirada Soomaaliya Wasiirka Arimaha Dibada kaasi oo ahaa in Dowlada Soomaaliya ay ciidamo ka Dalbadatay Beesha Caalamka .

Waxuuna R/Wasaaruhu sheegay in hadalkaasi uu ku fududaaday Wasiirka Arinaha Dibada oo aysan la Qabin Golaha Wasiirada Soomaaliya waxuuna intaasi raaciyay in kulankii Maanta Golaha Wasiirada ay isgu yimaadeen Looga Wada Hadlay Amurtaasi ayna ka soo saareen in wasiirka Hadaladaasi ku dhawaaqay Waa wasiirka Arimaha Dibade ee uu raaaligelin ka bixiyo asagoo la hadlaya Idaacadaha Caalamka .

Raiisul wasaare Sharmaarke Ayaa Sheegay in hadalkaasi uu wal wal iyo walaac ku abuuray Gebi ahaan Umada Soomaaliyeed Gaar ahan Umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada caasimada Ah ee Muqdisho

“Hadalkani waxaa uu xasaasiyad ku kiciyay Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana amreynaa Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Midnimada Qaran Mr Oomaar in uu sida ugu dhaqsiyaha Badan Raali gelin ka bixiyo Arintaasi” Sidaasi waxaa yiri Raiisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke .

Ugu dambeytii tan iyo Markii ay Soo baxday in Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Soomaaliya uu Ciidamo Shisheeye Dalbaday inla keeno Gudaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa siweyn uga Hadlay culimaaudiinka Odayaasha Dhaqanka iyo weliba Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed kuwaasi oo kalsoonida kala noqongaaray Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya .

Waxa sidoo kale isna arintaasi ka hadlay Maxamed C/llaahi Oomaar Wasiirka arimaha dibadda Doladda Midnimada Qaran hadal baryahan buuq badan ka dhaliyay Golayaasha Dowladda dhexdooda, kaasi oo uu ku saabsanaa ciidamo nabad ilaalin oo la keeno Soomaaliya, si loo xasiliyo ammaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Max’ed C/laahi Oomaar oo xalay u waramayay Warbaahinta gudaha isaga oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa

sheegay inuu si weyn uga xunyahay hadalkiisa uu sheegay inuu kiciyay Dowladda uu ka tirsan yahay iyo madaxda sarsare iyo waliba bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.
“Waan ka xumahay in hadal aan sheegay uu laab kiciyo bulshadeyda, waxaana muhiim ah inaan isla fahamno ujeedka hadalkeyga” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Soomaaliya oo sheegay in dowlad iyo shacabba ay ku mideysan yihiin rabitaanka ah in dalka ay u helaan tababarka ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka dalka oo dhan.

Mar uu ka jawaabayay Maxamed C/llaahi Oomaar hadalka ku saabsan dalabka ciidamada shisheeye in dalka keeno ahaa ee isaga ka soo yeeray waxa uu ula jeeday, ayuu yiri “Ciidamada aan ka hadlayo waa kuwa haatan dalka jooga ee Burundi iyo Uganda, kuwaas oo markii ay joogaan saddex biloodba la bedelayo” ayuu yiri Wasiirka oo dhinaca kale sheegay inay Midowga Afrika ka dalbadeen in Dowladda Soomaaliya ay u tababaraan ciidamadeeda.

Axmed Kulan (Jookar)
WAQABADKA TOGA HERER
MOQDISHO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: