Toggaherer’s Weblog

MAAMUL GOBOLEEDKA P/L OO SIYAABO KALA GADISAN UGA HADLAY SHAQAAQADI BOOSAASO KA DHACDAY

Posted on: March 24, 2009

MAAMUL GOBOLEEDKA P/L OO SIYAABO KALA GADISAN UGA HADLAY SHAQAAQADI BOOSAASO KA DHACDAY
Bosaaso 23 March 2009 (THN)
Magaalada Bosaso ayaa Caawa degan in kastoo ay Jiraan Rasaas Teel Teel ah oo dhacaysa ilaa 7-Ruux ayaa la sheegay in dhawaac soo Gaadhay Halka 3- kalena ay ku dhinteen oo uu ka mid Yahay Askari Puntland, Hadaba Maamulka Pl ayaa Arinkaasi ka hadlay isla Caawaba.

Xukuumada C/raxmaan Faroole Hogaamiyo ayaa Maanta siyaabo kala Gadisan uga hadashay Rabshadihii ka dhacay Magaalada Ganasci ee Bosaaso, Masuuliyiin kala duwan ayaa Rabshadahaasi ka Hadlay kuwaasi, oo ay ka mid Yihiin Madaxwayne Xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo Wasiirka Amniga Puntland Gen- C/laahi Siciid Samatar.

Hadii aan soo xigano Hadalkii Wasiirka Amaniga ee Puntland Gen- Samatar ayaa Kulan Wareed uu Qabtay Caawa waxa uu kaga hadlay Qul Qulatooyinkii dhacay Galabta, Wasiirka ayaa difaacay Ciidamada Puntland ee Hawlgalkaasi Fuliyay isaga oo si Cad u sheegay in wixii danba Gala la Qabanayo isla markaan lala Xisaabtamayo.

Wasiirka ayaa Yiri”Qabashadadii Wadaadka Wax Wayn maha Laakiin waxa ka sii xun sida wax u dhaceen iyo dadka Wadooyinka dhagaxaanta dhigay ismaha Laha Qabashada Wadaadka iyo Waxa dhacay dadka waxaasi Maleegaya waanu Ogsoonahay waxana weeyaan dadka ka soo Barakacay Koonfurta Somaliya kuwaasi oo Carruurahoodii si Nabad ah Iskuulo ugu dhigtaan Mana Garanayaan Nabada ay haytsaan” Ayuu Yiri C/laahi Siciid.

Wasiirka Amniga ee Puntland C/laahi Siciid Samatar ayaa dhaleeceeyay cid kasta oo ka Hor timaada Amarka Dawlada waxana uu Ku adkeeyay Carabka inay sii socondoonaan dadaalada ay wadaan Ciidamada Amaanku mar uu Arinkaasi ka Hadlayay Ayuu Yiri” Qofka waa laga shakiyi Karaa oo Danbi inuu Galay Boolisku Su”aalo waa waydiinkaraan Laakiin maha in la Buun Buuniyo” Ayuu Yiri.

C/laahi Siciid Samatar waa ka Gaabsaday inuu Faah Faahin ka Bixiyo sababaha Wadaadkaasi loo xidhay isaga oo ku Cel Celiyay inay baadhayaan danbiyada Wadaadka loo Haytso, waxa uu ka digay inay ka Waantoobaan Shacabku Wax kasta oo Keenaya Qalalaasi iyo Foodo.

Dhanka kale Madaxwayne Xigeenka Puntland Genp Cabdi Samad Cali SHire ayaa isna Saxaafada la hadlay isaga oo iska Fogeeyay inaanay waxba ka ogayn Rabshadahaasi iyo Meesha ay salka ku Hayaan Balse ay Maqleen uun inay Arinkaasi fuliyeen Ciidamada Sirdoonka ee loo Yaqaan PIS-ta.

Mr Cabdi Samad Cali SHire ayaa shacabka Bosaaso ugu Baaqay inay Xaalada Dejiyaan oo ay sidii Hore ku soo Celiyaan waxana uu si Qota dheer uga hadlay inay Jiraan dad doonaya inay Qas ka Abuuraan Puntland kuwaasi oo xun Buu Yiri AMaanka Puntland ilaahay Siiyay.

Madaxwayne Xigeenka Puntland ahna sii Haya xilka C/raxmaan Faroole ayaa Ciidamada Amaanka Ugu Baaqay inay dhaworaan shacabka oo ay ka ilaaliyaan wixii Naftooda Khatar Galin Kara, sidoo kale waxa uu xusay in Wasiirka Arimaha Gudaha ee General Ilka Jiir iyo kan Amniga ee C/laahi Siciid Samatar ay Arinkaasi dhawaan Baadhidoonaa.

Magaalada Bosaaso ayaa Mudo 3- Saacadood ah waxa ka dhacayay Rabshado Balaadhan kuwaasi oo Keeneen ka dib Markii ciidamada Sirdoonka Pl ay qabteen Wadaadka Caanka ah ee SHeekh Cismaan kaasi oo la sheegay in Puntland ku eedaysay inuu xidhiidh la Leeyahay Al-Shabaab, sida aan ka soo xiganay saraakiisha AMaanka ee Puntland Wadaadka ayaa mudo waxa ku Raad Joogay Ciidamada Sirdoonka ee Puntland.

Sheekh Cismaan Waxa uu ahaa wadaad iibiya dhirta laysku daaweeyo isaga oo marar qaar lagu Xasuusan jiray Wacdiyadii uu ka Jeedin Jiray Meelaha Gaaraha, dhamaan shacabka Magaalada Bosaaso ayaa Arinkaasi aad uga cadhooday iyaga oo Maamulka Puntland Ugu Baaqay inay Arinkaasi ka Waantoobaan.

Dadka ka Faalooda Arimaha Siyaasada Puntland ayaa waxay sheegayaan in C/raxmaan Faroole Kulankii 14-Bishan aynu ku Jiro la qaaday Raisalwasaaraha Ethiopia Melas Zanawi ay aad ugaga wada hadleen La dagaalanka waxa Loo yaqaan Al-Qaacida isaga oo Raisalwasaaraha Ethiopia uu C/raxmaan Faroole Ku dhiiri Galiyay in Ethiopia loo soo Gacan Galiyo dadka la Gashiyo.

TogaHerer Garoowe
Axmed Cali weheliye

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: