Toggaherer’s Weblog

BURCO DHAKHSO AYAAN UGA BADALAYNAA GIINBAARTA DAWLADAYNA MASUUL KA SARANTAY

Posted on: March 24, 2009

BURCO DHAKHSO AYAAN UGA BADALAYNAA GIINBAARTA DAWLADAYNA MASUUL KA SARANTAY

Hargaysa 23 Marhc 2009 (THN)
Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland mudane Cawil Cali Ducaale ayaa sheegay in aanuu ogayn lacagta la soo daabacay ee la sheegayo bal se la waydiiyo gudoomyaha Banka Somaliland.Wasiirka maaliyada ayaa si cad isaga dirkiyey daabacaada lacagta , ladcag dawladu ay dhawaan soo daabacatay oo ah lacagta keentay sixir bararka.

hadalkan waxa uu wasiirku ka sheegay fadhigii maanta ee golaha wakiilada goluhu wasiirka suaalo ka waydiinayeen odoroska miisaaniyadii qaranka ee 2009 ka oo uu dhawaan wasiirku hor keenay golaha wasiirka maaliyada mudane Cawil ayaa suaalihii la waydiiyey waxaa ugu muhiin sanayd lacagtii cashuuraha ahayd ee 2% (Boqolkiiba labada ) ahayd ee lagu kordhiyey horumarinta gobolka Sool iyo Sanaag taa oon aan ilaa hada la ogayn xisaabteeda iyo halkay ku baxday iyadoo aanay haba yaraatee aanay jirin lacagtaas wax ka soo gaadhay goboladaa lagu magacaabay.

Lacagta loogu talo galay badalaada (Giinbaarta) gobolka Togadheer iyo lacagta cusub ee ay dhawaan xukuumadu soo daabacatay oo uu wasiirku iyo suaalo kale
ayaa la waydiiyey.Suaalaha ugu badan ee kaga imanaayey Wasiirka dhinaca golaha ayaa waxay ka imaanayeen xildhibaana ka soo baxay xisbiga Udub kuwaan oo si is daba joog ah u waydiinaayey suaalaha .

Fadhigan oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane CabdiRaxmaan Maxamed Abdilaahi ciro in la guda galo suaalihii la waydiinayey wasirka si xushmad lehna xubin xubin loo waydiiyo wasiirka.
Xildhibaanada Sualaha waydiinayey waxaa ka mid ahaa xildhibaan Xoog xil Xasan Cawaale iyo Xil Cali gabiilay kolkaa wasiirka oo suashii ahayd lacagtii 2% ka
ee cashuuraha loo raaciyey kabka labada gobol ee Sool Iyo Sanaag oo ka jawaabaya ayaa waxa uuu yidhi “Lacagtaa loogu talo galay gobolada Sool iyo Sanaag aniga ayaa haya anigaana la igala xisaabtamayaa ”
Sida oo kale mar uu wasiirku ka jawaabayey lacag badalida lacagta Giinbaarka ah ee Togdheer ayaa waxa uu yidhi”Burco si dhakhso ah ayaan uga badalaynaa lacagta
(Giin baarta ah ) waana masuuliyada saara dawlada”.

Xildhibaan Ibrahim Maxamed Jaamac Rayti oo isna daba socday jawaabihihii hore wasiirka ayaa waxa uu yidhi

“Gudoomiyaha waxaan ka codsanaynaa jawaabaha wasiirku marka suaalaha la waydiiyo in uu ku hago maaha oo marka suaal la waydiiyo in meeshuu doono maro maaha oo uu yidhaa waan ka jawabay wasiirku kama jawaabin arintii
daabacaada lacagta way cadahay kama jawaabin waxaan doonayaa aniga oo daba socda jawaabtaa in uu wasiirku noo shoogo isaga ayaa ah wasiikiiye yaa bixiyey amarka
lagu soo daabacaayo lacagtaasi, iminsa jeer ayaa la soo daabacay ,iminsa ayaa la daabacay oo dalka la sooo galayey , dawladu siday u isticmaashaa lacagtaas ,
waa maxay sababaha keena in lacag la soo daabaco waxaas o suaalo ah waxay u taala golah oo waa in uu goluhu ansixiyo marka lacag la soo daabacaayo lacagta la
soo dabacaa ee la soo galiyaa waxay la mid tahay lacata foorjariga ah waxaany qiimo ridaysaa lacagteena oo sixir barar ku keenaysaa suuqyada lacageed ee dalka markaa waxaan doonayaa wasiir sababta ay miisaaniyada uga muuqan wayday labadaa lacagyaw ee kala ah tan Togdheer iyo taa Sool Iyo Sanaag”
Waxa u cawli kaga jawaaby ” xidhibaanku waa mahadsan yaahay taa lacagta daabacada aha waan ka jawabay waxaan ku idhi Banigiga dhexe haloo tago markaa xildhibaanka waxaan ka codsanaya in uu banka dhexe u tago oo uu lacagtaa la soo daabacay ka warsado”

Xildhibaan Ahmed M. Diiriye Nac nac ayaa isna sual waydiiyey wasiirka ” wasiirka waxaan waydiinayaa lix sanadood ka hor wax ay balan qaadeen mashaariic farabadan oo ay ka mid tahay wadadii Oodweyne tii Baligubadle Ta Boorame markaa saacadtul wasiirk mashaariicdaa iyo adiga oo Burco u dhashay oo wali lacagtaasi taagan tahay maxaad mashaariicda iyo lacagtaas Burco mar uun aad u oofin wayday oo aad ugu soo dari wayday miinsaaniyada”
“taasi waa mid xil iga horeeyey aya sheegay qodonbka 54aad fiqradiisa 3aad waakii gudoomiyuhuna akhriyay lacagta la daabacayo xaqbanu u leenahay in lana soo mariyo tirada ay ka bilaabanto iyo tay ku dhacdo in lana soo mariyo weeyaan mida kale lacagtii 2% ahayd ma Account kaaga khaaska aha ayey ku jirtaa mise iminkaad noo sheegi”

Wasiirka ayaa waxa uu kaga jawaabay “lacagta waa anigii caddeeyay ee idhi waxay ku jirtaa xisaabta baanka, hadii ay wax ka baxeena waxay ka muuqan doontaa xisaab xidhka, ganacsatadu waa cashuurta kaliya ee aanay ka hadal 2% gobolada bari waxaanaan idinku wareejin doonaa xisaabiyaha guud ”

Waxa kale oo ka mid ahayd xildhbanada wax waydiiyey wasiirka Xil Ikraan Xaaji Daahir oo laga soo doortay gobolka Awdao oo waydiisay in wax qorshe ah ay u hayaa wadad Boorame ” way mahadsantahay xildhibaanadu hadii aan ka jawaabo suaashaada , wadooyinkii kharash miidhan ayey noqdeen markaa awoodii lagu samayn alaha ma hayno ka dawlad ahaan markaad eegto ilaa Berbera ilaa Hargaysa inta lagu hagaajiyo waxaa lagu qiimeeyey 160 milyan oo doller waxaan idiin sheegayaa haday itoobiy noqoto iyo haday jabuuti noqoto marka wadooyin la samaynaayo waxaa lagu sameeyaa mucaawinooyin dawladana u sameeya dawladii hore Soomaliya Shiine ayaa u sameeyey waxaa ku baxay 500 malyuun oo doller ”

Warqabadka Togaherer
Ceelkii Hargaysaad

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: