Toggaherer’s Weblog

Shirkii Golaha Wasiirada oo uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta oo Isniin ah lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa.

Posted on: March 23, 2009

Shirkii Golaha Wasiirada oo uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta oo Isniin ah lagu
qabtay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu, waxa uu golaha uga waramay socdaalkii uu dhawaanta ku tegay
isaga iyo  wefdigiisu  wadamada dibada oo uu ka mid  yahay dalka Britain.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa golaha si qoto dheer uu uga waramay
kulamadii kala duwanaa ee uu la yeeshay Madaxda dawlada Britain oo uu ka
mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane David Milliband iyo madax kale
oo ka tirsan Xukuumada UK.

Waxa Madaxweynuhu kulamadaasi ku tilmaamay qaar midho dhal ah oo aad uga
duwan kuwii hore ee ay la yeelan jireen dawlada UK, iyada oo imika si weyn
u danaynaysa dawlada UK in ay si weyn wax ula qabato Jamhuuriyada
Somaliland, haddii ay noqon lahayd mashaariicda horumarinta iyo gooni isu
taiga Qaranimadeeda.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo qaaday kulamadii uu la yeeshay Madaxda
dawlada Itoobiya oo uu ka mid yahay Raysal Wasaare Meles Zenawi, taasi oo
ay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Iskaashiga iyo wax wada
qabsiga dhinacyada amniga iyho ganacsiga.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu iyadana soo qaaday kulankii uu la yeeshay
Madaxda Jabuuti  oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo uu sheegay in si diiran oo
kalgacal ah loogu soo dhaweeyay intii ay joogeen Jabuuti oo ay ka wada
hadleen sidii ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka walaaltinimo ee labada
dal.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: