Toggaherer’s Weblog

MASUULIYIINTA GOBOLKA SOOL OO SHIRKOODII ISNIINTA KAGA WADAHADLAY XAALADA GOBOLKA

Posted on: March 23, 2009

MASUULIYIINTA GOBOLKA SOOL OO SHIRKOODII ISNIINTA KAGA WADAHADLAY XAALADA GOBOLKA

Laascaanood 23 Mar2009 THN
Waxaa saaka sidii caadiyan dhici jirtay isugu yimi maanta oo isniin ah Guriga Gobolka ee magaalada Laascaanood masuuliyiinta maamulka Somaliland ee Gobolka Sool halkaas oo ay shir ku qaataan maalinta Isniinta todobaad kasta iyagoo kaga wada hadla xaalada Gobolka iyo hormarka laga gaadhay tobaadkii lasoo dhaafay.

Shirkan oo uu shir gudoominayay Taliyaha Qaybta Police-ka ee Gobollka Sool Maxamed Saleebaan Gooni ahna kusimaha badhasaabka Gobolka oo hadda ku maqan magaalada Hargeisa ee caasimada Somalia iyadoo shirkani ay kasoo qayb galeen Isuduwayaasha Gobolka,Taliyayaasha ciidanka,iyo waliba masuuliyiinta kale ee Gobolka ku sugan.

Waxaa la isula soo qaaday sidii maamulka Gobolku uu uga shaqayn lahaa hormarka Gobolka loogana dhigi lahaa mid si habsami ah ugu shaqaynaya umada ku dhaqan Gobolka Sool guud ahaan Somaliland gaar ahaana xaruntiisa Laascaanood wax loogu qaban lahaa loona soo gaadhsiin lahaa wax qabadka dawlada Somaliland.

Maxamed Saleebaan Gooni oo ka hadlaya arinkaasi ayaa waxa uu sheegay in Gobolka masuuliyiinta ka shaqaysa dhamaanba loo baahan yahay inay umadooda wax u qabtaan loona baahan yahay inay ugu shsqeeyaan si hagar la’aan ah isagoo sheegay in masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool ay si habsami ah shaqadooda u gudtaan umadana ugu sahqeeyaan.

Ugu danbanyntii masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay taliyaha Qaybta Police-ka uga mahad celisay sida wanaagsan ee uu uga shaqaynayo nabada Gobolka isagoo intii yarayd ee uu xilka yahay wax badan ka qabtay nabadii Gobolka isagoo ciidamada Police-ka ee Gobolka Sool ka dhigay heegan oo ay mar walba u taagan yihiin u adeegida shacabka.

Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolk Sool.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: