Toggaherer’s Weblog

KULANA DHEX MARAY WASIIRKA A/DIBADA SOMALIA MR OOMAAR IYO BAN KI MOON.

Posted on: March 23, 2009

KULANA DHEX MARAY WASIIRKA A/DIBADA SOMALIA MR OOMAAR IYO BAN KI MOON.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa todobaadkan xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Cabdullahi Omaar.

Xoghayaha Qaramada Midoobay , ayaa kala hadlya wafdiga Dowlada Soomaaliya xaalada uu dalka ku jiro iyo waliba kaalinta ay Qaramada Midoobay ka qaadan karto taageerida dowlada Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee uu Ban Ki Moon ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Burcad Badeeda khatarta ku noqotay isu socodka gaadiidka Bada.

Ban Ki Moon ayaa warbixintii uu todobaadkan u gudbiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo Jimcihii ka hadlay arrimaha Soomaaliya, ayuu ku sheegay inay weli socdaan hawlaha Burcad badeeda ee xeebaha dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu warbixintan ku sheegay in Labo kooxood ay ka hawlgalaan Xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo ah dadka ka danbeeya burcad badeeda Soomaaliyeed, labadan kooxood ee burcad badeeda ah ayaa xoghayuhu ku sheegay mid kamid ah KOOXDA EYL oo uu sheegay inay tahay mid maraakiib badan gacanta ku dhigtay isla markaana ay gacantooda soo galeen lacago malaayiin Dollar ah.

Warbixin uu Mr Moon soo saaray 18kii bishan March ee sanadkan ayuu ku daray intaasi in Kooxda xaruntoodu tahay magaalada Eyl ee Puntland ay sanadkii 2008 dhamaadkiisa ay gacan ku hayeen 6 markab.

Kooxda Warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku sheegay ee EYL Group ayuu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay kooxdaasi ay lacagaha madax furashada ka sameeyeen lacag dhan 30 Milyan oo dollarka Maraykanka ah. (Links kaan ka akhriso (http://www.un.org/apps/news/story.asp?NewsID=30225&Cr=piracy&Cr1=pirate)

Warbixintaasi ayaa lagu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ay dhaceen 111 jeer isku day afduub, ayadoo arrintaasi ay caqabad weyn ku noqotay hawlihii Qaramada Midoobay ee gargaarka loo diro dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in kooxaha burcad badeeda ay khatar sidoo kale ku yihiin Dowlada Soomaaliya iyo awoodeeda, isagoo sheegay in dowlad awoodleh oo Soomaaliya ka dhalata ay ka hortagi karto burcad badeeda.

Xigahso UN NEWS Centere

Abdi Wahaab M. Ibrahim
Tafatiraha guud ee Togaherer
Oslo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: