Toggaherer’s Weblog

KULAN DHEX MARAY SHEEK SHIRIIF IYO MADAXWEYNA AL-BASHIIR KA SOODAAN.

Posted on: March 23, 2009


KULAN DHEX MARAY SHEEK SHIRIIF IYO MADAXWEYNA AL-BASHIIR KA SOODAAN.

Khartuum 23 March 2009 (THN)
Waxaa kulan khaas ah uu magaalada Khartuum ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed oo halkaasi safar ku jooga iyo Madaxweynaha Dalka Sudaan Gen.Cumar Al Bashiir.

Labada hogaamiye ayaa ka wadahadalay arrimaha iyo xiriirka labada dal, ayadoo Madaxweynaha dalka Sudan, uu ku baaqay in dhamaan wadamada Afrika iyo Carabtaba ay taageeraan dowlada cusub ee Soomaaliya oo uu sheegay inay yihiin dad walaalahooda ah.

Al Bashiir ayaa sheegay inuu aad u daneenayo in xasiloonidii iyo kaladanbeyntii ay dib ugu soo noqoto dalka Soomaaliya, asagoo sheegay inuu rajo weyn ka qabo dowlada cusub inay dib isugu keento shacabka Soomaaliyeed.

Shiikh Shariif Axmed oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku dadaalayo sidii loosii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah, asagoo si weyn u dhaliilay Maxkamada Caalamiga ah ee ICC.

Shiikh Shariif Axmed oo ka hadlay amarkii kasoo baxay Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ee ahaa in lasoo xiro Madaxweynaha dalka Sudan, ayuu ku sheegay in amarkaasi uu ahaa mid meel ka dhac ku ah Madax banaanida iyo Sumcada dalkaasi Sudaan.

Sheikh Shariif Axmed ayaa ku nuux nuuxsaday inaysan dowlada Somaliya marnaba taageersaneyn go’aankaasi Maxkamada caalamiga ah ee Hague kasoo baxay.

Shiikh Shariif ayaa dalka Sudaan ku jooga safar shaqo, asagoo horey usoo maray dalalka Kenya, Ugandha, Burundi iyo Rwanda.

Ahmed Ali Hussein
Khartuum
Sudan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: