Toggaherer’s Weblog

XILDHIBAANDA G/WAKIILADA OO FADHIGOODI MAANTA DIB UGU CELIYEY W/KUXIGEENKA MAALIYADA .

Posted on: March 22, 2009

XILDHIBAANDA G/WAKIILADA OO FADHIGOODI MAANTA DIB UGU CELIYEY W/KUXIGEENKA MAALIYADA .

Hargaysa 21 March 2009 (THN)

Fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee maanta oo laga sogaayey in uu hor yimaado Wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale ayaa ka baaqsaday, Fadhigan oo wasiirka laga sugayey in suaalo laga waydiiyey miisaaniyadii qaranka EE 2009 ayaa aan soo xadirin oo soo wakiishay wasiirka kuxigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada.

Fadhigaas oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa mudanayaasha ku wargeliyey in inuu wasiirka maaliyadu horyimaado golaha si su’alo looga weydiiyo miisaaniyadii qarabka ee 2009 oo ay ka soo if-baxdeen gol-daloolooyin iyo mad-madow badan oo ku jira qaabka loo dejiyey dakhliyada iyo kharashyada oo is dabooli waayey, taas oo uu sheegay in wasiirka maaliyadu uu safar ugu baxay magaalo madaxda Xaasil ee Berbera ayaa waxa uu sheegay in uu soo wakiishay wasiir-ku-xigeenku golaha hor tago oo u matalo .

Hase ahaatee xubnaha golaha wakiilada ayaa shir gudoonka ka codsaday in aan waxba la waydiin xubnaha golaha hor yimid ee uu hor yimaado golaha wasiirka maaliyada Somaliland oo isagu miisaaniyadii ku hor akhiryay golaha hortiisa si uu isaga suaalo looga waydiiyo miisaaniyada lafteeda.

Ugu horayna Faraxaan Maxamed Cali oo ka tirasan xubnaha golaha wakiilada ee xibiga Udub lagana soo doortay gobolka Togdheer ayaa halkaasi dood la istaagay waxaanuu yidhi “ Iminka miisaaniyadii qaranka ayaa laga hadlayaa wasaaradana waxaa dalka uga masuula ah wasiir goluhuna wuxuu u yeedhay wasiirka maaliyada ee halkan ka akhiryey miisaaniyada horena umay dhicin in wasiir ku xigeen la keeno wasiir kuxigeenka iyo wasaaraduba way mahad sanyihiin umadu waxay xaq u leedahay ninkii halkaa loo daariyey ee loo ansixiyey in uu yimaado oo wax laga waydiiyo wixii kale waa buuq iyo qaylo “kuwaasi waxay ahaayeen hadaladii Xil Farxaan.

Sidoo kale Xildhibaan Ahmed Ibrahim Daahir (Ahmed Wayne) oo ka tirsan xildhibaana xisbiga kulmiye ee laga soo doortay gobolka Hargaysa ayaa isaguna arintaasi ka hadlay waxaanu yidhi “ Waxaan ku idhi sidan uu iminka aad sheegaysaa wasiirka sharcigu wuu u ogolyahay in uu cid kale soo dirto lakiin se cida suaalaha wax laga waydiinayaa waxa weeyaan wasiirkii halkan khudbada ka akhiryey markaa waxa weeyey khudbadiisii ayaa suaalo laga waydiinayaa nimankani waa niman technicians oo iyaga wixii loo baahdo ayaa la waydiin doonaa, waxa se weeye wasiirka weeye ninka aynu u bahanahay markaa gudoomiye waxay ila tahay misaaniyadana in aynu dedejinaa way ku jirtaa dee aan iska sugno oo barito dib inoogu dhiga” Xildhibaan Axmed Weyne weeyaan hadaladiisii .

Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan xildhibadan golaha wakiilada ee Xibiga Ucid ee laga soo doorta gobolka Hargaysa ayaa isaguna doodaasi ka qayb galay waxaan hadaladiisii ka mid ah
“ Waa dhab in wasiirku akhiryey Budget ka wax kale muu akhriyin Budget kana ragii sameeyey oo uga cilmi badan ayaa meshan jooga (Fasaluu ahla dikri in kuntun laa taclamuun ) waa kuwan kuwa xaqa loogu leeyahay in wax la waydiiyo “ kuwaasi waxay ahaayeen hadaladii xildhibaan Buubaa oo isaga oon hadalka dhamaysan sacab iyo sawxan hadheeyey golaha.

Waxaa iyana meesha ka hadalo xidhibaano dhawr ah oo kale oo uu ka mid yahay Xil Xamase Maxamed Gaadahwayne iyo Xildhibaan Xussen Ismaaciil .

Ugu dambayntii Cabdi Qaadir Jirde oo ah xildhibaana ka soo baxay xisbiga Udub ayaa u soo jeediyey shir godoonka in ay cod galiyaan arinan muranka iyo doodu ka dhashay waxaana ka midh ahaa hadaladiisii “ Kooram caynkaas ah oo kale markuuu yimaado waxaanu jecelnahay in loogu qaybiyo sida ay xildhibaandu ugu kala badan yihiin kuraasta waxaanu nahay 38 xidhibaan 28 io 21 hadalkiina waxaa xibiga Udub ka soo galay nin kaliya ayaa ka soo galay taasina waa yara mulaaxado ta kale gudoomiye adiga oo Raaliya waxaad xaq u leedahay in aad cod galiso rayigaa la keene angoon kaa qaadayn codna gali xaqbaad u leedahaye”.

Xubno kale ayaa iyagu soo jeediyey in xubnaha hor yimid la wax laga waydiiyo miisaaniyada waxaanuu goluhu uu cod u qaaday labadaasi fikiradood waxaana ku adkaaday xubnihii xildhibaanada ee iyagu qabay in wasiirka maaliyada loo yeedho .

Waxaa maanta madasha ku xaadir ahaa 45 xildhibaan waxaa fikradii ahayn in wasiirku uu hor yimaado golaha xubnahan uu soo dirayna aan laga dhagaysayn ahaayen 27 xilidhbaan halka 15 xildhibaan aan ahaayeen kuwii doonayey in laga dhagaysto suaalona laga waydiiyo miisaaniyada halka laba ay ka aamuseen gudomiyuhuna muuu codayn.

Wasiir kuxigeenka wasaarada maaliyada ee maanta golaha hor yimid ayaa isagu sheegay in uu wasiirku socdaal ugu baxay Bebera hase ahaatee waxaa markii dambe la xaqiijiyey in uu wasiirku uu joogo oo aanuu safar u bixin oo uu ku sugnaa Huteelka Maansoor ee magaalda hargaysa waqtigii uu fadhigii golahu uu soconayey .

Ugu dambayntii markii fadhigii goluhu dhamaday ayaa waxaa suaalo ay saxaafadu ku waydiisay wasiir kuxigeenka wasarada maaliyada Somaliland Ahmed Aw Cabdi Shaacir taas oo uu ku difaacay maqnaanshiiyaha wasiirka yidhina wasiirku dan qaran ayuu ku maqnaan karaa oo khasab maaha in uu yimaado anagaana meeshiisa u taagan sualaha wasiirka khuseeyana isaga ayad waydiin doontaa.

Maxamed Muuse
Tgoaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: