Toggaherer’s Weblog

XAFLAD AY SHAHADOOYIN KU GOODNSIIYEEN ARDAY DHIGATA CAMUUD OO KA DHACAY RAYS BOORAME

Posted on: March 22, 2009

XAFLAD AY SHAHADOOYIN KU GOODNSIIYEEN ARDAY DHIGATA CAMUUD OO KA DHACAY RAYS BOORAME

Boorame 21 March 2009 (THN)

Hotelka Rays ee magaalada Borama waxaa ka dhacay xaflad aad u balaadhan oo ay kasoo qeyb galeen ardayda iyo maamulka Jaamacada Camuud iyo maamulka shirkada Isgaadhsiinta Telesom ee G/Awdal.
Xafladaan ayaa Maamulaha shirkada Telesom C/qaadir Aadan Nuur uu shahaadooyin gudoonsiiyay labo arday oo ka mid ah Ardayda wax ka barata kuliyadda Maamulka iyo Maaraynta ee Jaamacada Camuud munaasibadan waxa goobjoog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Camuud, Dhiinka kuliyadda, Maamulka Maaraynta, Madaxa iibka ee shirkada iyo xubno kale oo ka mid ah shaqaalaha shirkadaasi.

Ugu horeyn waxaa xafladaasi ka hadlay Maxamed Jibriil Cilmi oo kamid ah Shaqaalaha Telesom waxna kusoo bartay Jaamacada Camuud isla markaana ahaa masuulka ay labadan arday ee kala ah C/samad Qaasim Muxumed iyo Maxamed Mire Xasan ay sida gaarka ah mudada bisha ah ula shaqaynayeen ayaa oo ka warbixinayay mudadii ay ardaydani la joogeen ayaa yidhi “ Waxa ay nala joogeen muddo bil ah waxaan ka marag kacaynaa inay yihiin arday mustaqbalkooda shaqo guul ka soo hoynaya, waxana ay muujiyeen karti iyo daacadnimo, waxaan u sheegayaa in dunida nasiib wanaagu uu yahay waxaan la wadaagin iyaguna ay fursad u heleen inay Telesom la shaqeeyaan sabobtuna ay tahay nasiibkooda, waxa aan ku dardaarayaa inay noqdaan kuwo leh hami, hiilanaan iyo meel ay hiigsadaan ee waxaan ka dardaarayaa inay noqdaan kuwo ka wahsada shaqada lana yimaada sifooyinka dib u dhaca qofka ku keena, waxanan ku rajaynayaa inay noqdaan kuwo meel walba oo ay tagaan oo ay ka jiraan xarumaha shirkada Telesom laga soo dhaweeyo”.

Madaxa Iibka ee shirkada C/laahi Xaaji ayaa sheegay inay tahay fursad qaaliya inuu arday wali waxbarashada ku jira uu helo fursad shaqo oo uu waayo aragnimo ku korodhsanayo, Telesom xidhiidh wanaagsan ayay la leedahay jaamacada camuud waana hubaal inaan labo arday in ka badan qaabili lahayd laakiin wax nagu yar goobta aan ku shaqayno ayuu yidhi C/laahi Xaaji.
Mar uu ka waramayay dadaalada looga baahan yahay kulliyada Maamulka iyo Maaraytna waxa uu xusay inay lagama maarmaan tahay in la iibgeeyo midhaha ay kuliyadu oo saartay loona raadiyo lacag lagu maalgaliyo fikirada cusub ee ay kuliyadu soo saarto, waxa lagama maarmaan ah inay ka fikirto diyaarinta Qorshe ganacsi iibsamaya loona soo bandhigo bulshada ma ‘aha in maalgalinta laga doon doono meel shishe ardayda dhexdeeda ayaa laga heli karaa waxaana laga abuuri shariikado waawayn hadii la helo fikiro cusub oo iibsamaya.

Maxamed Mire oo ku hadlayay afka ardayda mudada bisha ah wax ka baratay Telesom ayaa xusay shucuurtiisa isagoo dareen farxadeed uu ka muuqdo waxana uu yidhi “Aniga iyo saaxiibkay Telesom waxay noo noqotay hooyo waa naloo haga baxay wax walbana waa nalagu aaminay waxa nala baray waxii aan soo buugta ku soo dhiganay oo shaqaynaya, waxaan jeclaan lahaa inay saaxiibadaydii shaqada ee aan caawa na horfadhiyin ay nala joogi lahaayeen , qofka oo shaqaalaha ah oo aan la shaqaynay mudadaasi bisha ah waan u mahad naqaynaa waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa Maamule C/qaadir oo matalaya shirkada Guud ahaanba waxaanan ka marag kacaynaa in aanu nahay ardaydii ugu nasiibka badnaa ee fursadan oo kala hesha.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Md. Axmed C/laahi Boqore oo isaguna madashan ka hadlay ayaa u mahad naqay shirkada Telesom waxana uu ku tilmaamay fursada noocan oo kale ah kuwo loo baahan yahay , gudoomiye ku xigeenka waxa uu sheegay in Jaamacada Camuud ay soo martay marxalado tiro badan maantana ay marayso meel aad u wanaagsan oo ay dib u guratay midhihii ay soo saartay waxa uu ku tilmaamay arrin farxad leh barnaamijkan Internship-ka mid ka mid ah fursadaha lagu tayaynayo ardayda ka qalinjabinaysa kulliyada jaamacada.

Hormuudka Kuliyada Maamulka iyo Maaraynta Yurub C/raxmaan Muumin ayaa si wayn ugu mahad naqday shirkada Telesom waxana ay xustay inay maamulka shirkadu si wayn ugu hagar baxeen ardaydan waxaanay kula dardaaran tahay ardayda mudada bisha ah la shaqaynaysay Shirkada Telesom inay noqdaan kuwo safriro u noqda Shirkada.

Maamulaha Shirkada Telesom ee G/Awdal C/qaadir Aadan Nuur oo munaasibadan ka hadlay ayaa yidhi “Telesom tan iyo maalintii la aasaasay jaamacada Camuud way bar bar socotay waxana ka dhexeeye iskaashi guud iyo mid gaar ah waa waajib na saaran inaan jaamacada la shaqayno waxaan door bidi lahaa in laga fikiro qorshayaal si wayn looga faa’iidayso oo dhinaca waxbarashada ah inay dhinaca horumarinta bulshadaba ah kuwaasi oo ay iska kaashadaan Shirkada Telesom ee G/Awdal iyo Jaamacada Camuud”.
Md. C/qaadir mar uu ka waramayay ardayda mudada bisha ah la joogtay ayaa awxa uu yidhi “Md.Gudoomiye ku xigeen, Hormuudka kulliyada waxaan caawa idiin sheegayaa in ka dib markii aan arkay kartida ay muujiyeen bisha ahayd ee ay nala joogeen ardaydani, ka dib markii aanu kala kulanay shaqo wanaag, daacadnimo, Amaano iyo aqoon dheeraad ah waxa aanu idiin sheegaynaa in labadan arday ay yihiin kuwo ka midho dhaliyay waxbarashadoodii sidaasi aawadeed waxa aanu caawa go’aansanay aniga oo ka masuula shirkada Telesom ee gobolka inaan hortiina ku gudoonsiino shahaado ka marag kacaysa kartidooda shaqo iyo warqad aqoonsi ah oo ku socoto cid walba oo ay dani ka gasho taasi oo cadaynaysa kartidooda.

guntii iyo gababadii xafladaasi waxaaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Maxamed Mire Xasan iyo C/samad Qaasim Muxumed , sidoo kale waxa uu maamuluhu gudoonsiiyay buug, Gudomiye ku xigeenka Jaamacada, Hormuudka kuliyadda iyo Suxufi Cabdale Cali Yuusuf.

Anwer Muxumed Ali
Togaherer Boorame

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: