Toggaherer’s Weblog

MARKAB HOR LEH OO HINDIYA LAGA LEEYAHAY OO LAGU AFDUUBTAY XEEBAHA SOMALIYA

Posted on: March 22, 2009

Dubai 22 Mar 2009 THN
Kooxo budhcad badeed Soomaali ah ayaa afduub u geysatay markab laga leeyahay dalka Hindiya iyo shaqaalihii la socday oo tiradooda lagu sheegay 16.

Markabka la afduubtay oo lagu magacaabo Al-Rafiiq waxa uu waday xamuul isugu jira bariis, Daqiiq iyo saliid safeysan, sida uu sheegay agaasimaha guud ee xafiiska maraakiibta ee magaalada Mumbai.

Markabkan ayaa la afduubtay gelinkii dambe ee maalintii shalay iyadoo mas’uuliyiinta xafiiska ay sheegeen inay sugayaan akhbaaraad dheeri ah oo ku saabsan markabkaasi la qafaashay.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin halka uu ku sii jeeday markabkaasi Hindiya ee la qafaashay.

Afduubkan ayaa dhacay maalmo ka dib markii kooxo budhcad badeed Soomaali ah ay xeebaha gacanka Cadmeed ka qafaasheen markab laga leeyahay dalka Giriiga oo shixnad bir ah oo ka soo shiraacday dalka Ukraine.

Markabkaasi oo lagu magacaabo Titan waxa uu shixnad bir ah u siday dekeda magaalada Busan ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

Inkastoo xeebaha Soomaaliya ay ka buuxaan maraakiib ciidamo shisheeye ay la socdaan kuwaasoo sheegay inay la dagaalamayaan budhcad badeeda xeebaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: