Toggaherer’s Weblog

DOOD CILMIYEED LAGU FALNQAYNAYEY QABSOOMIDA DOORASHADA OO KA DHACDAY HARGAYSA

Posted on: March 22, 2009

DOOD CILMIYEED LAGU FALNQAYNAYEY QABSOOMIDA DOORASHADA OO KA DHACDAY HARGAYSA

Hargeysa 22 March 2009 (THN)
Dood-Cilmiyeed lagu lafo-gurayay sida ay Dalka uga dhici lahayd Doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana ay ka qaybgaleen Culima’udiin, Aqoonyahan, Abwaano, Ururada Bulshada iyo marti-sharaf kale ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Waxaanay dhinacyada dooddaas ka qayb galay ay ku dheeraadeen sida ay dalka uga dhici karto Doorasho xor iyo xalaal ahi.

Sh. Aadan X. Muxumed Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada Somaliland, kana mid ahaa dadkii dooddaas ka hadlay ayaa Xukumaddaba ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhin muddadii ay xilka haysay oo uu sheegay in ay ahayd fursad la siiyay, isla markaana looga baahbaa in ay Bulshada ixtiraamto. Isaga oo sheegay in Axsaabta Mucaaradka ah laf ahaantooda ay ku jiraan Rag Wasiiro hore u soo noqday oo laga war qabo waxay qaban karaan iyo awooddooda Maamulku.

Sh. Aadan X. Muxumed Xiiray (Aadan-Siiro) waxa uu sheegay Saddexda Xisbi Siyaasi ay Komishanka Doorashooyinka iyagu soo doorteen iyaga oo aan cidna ka talo-gelin, loogana baahnaa in ay ixtiraamaan oo ay u hoggaansamaan go’aannada ay soo saaraan. Balse, ay doonayaan in ay dalka ku rabshaan.

“Horta marka laga hadlayo Muranka Siyaasadeed ee dalka wax aynu ixtiraamayno ayaan jirin, waxa jira is-yeel-yeel, sababtoo ah Komishanka saddexda Xisbi ayaa doortay oo cidi waxba inagamay waydiinin ee maxay inoogu rabshayaan? Waxayna ahayd in la ixtiraamo. Waa laga yaabaa in ay dadka qaarkood yidhaahdaan xubnaha Xisbiga UDUB ayaa ku badan Komishanka Doorashooyinka, Labada Xisbi-Mucaarad raalli bay ka noqdeen ee maxay u diidi waayeen oo intii aan Siidhi-wade laga dhigin ee aanay hawsha qaban u odhan waayeen ma ogolin?” ayuu yidhi Sh. Aadan-Siiro.

Mar uu Aadan-Siiro ka hadlayay Isbedel dalka ka dhaca, waxa uu sheegay in Isbedellada loo qaybiyo qaybo kala duwan yihiin kuwaas oo kala ah, Isbedel la mid ah taliska jira, mid ka wanaagsan iyo mid ka liita Taliska jira, sidaa darteed loo baahan yahay haddiiba isbedel la doonayo in lala yimaado mid ka duwan nidaamka hadda jira.

“Axsaabta Mucaaradka ahi waxya ku baaqeen isbedel..haddii la doonayo isbedel in uu dalka ka dhaco waa in kii hore mid dhaama la keeno ma mid la mid ah, haddii kale waxaynu doonayno ayaan jirin.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu sheegay in Xukuumadda dadku sharfeen oo la ixtiraamay, isla markaana ay talada dalka ku qabsatay si degdeg ah, hase ahaatee, aanay waxba soo kordhin.

“Xukuumadda dadku way sharfeen oo waa la karaameeyay, si degdeg ah ayaanay ku timi oo fursad wanaagsan ayaa la siiyay. Balse, waxba way soo kordhin waayeen, inay dadka ixtiraamto ayay ahayd.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro. Waxaanu ka dayriyay Axsaabta Mucaaradka ah Rag ku jira oo uu sheegay in iyaga laf ahaantooda hore loo soo arkay wax-qabadkooda iyo Maamulkooda.

“Kuwa soo socda waa la tijaabiyay oo waxa ku jira Rag 30 sanno Wasiiro soo ahaa oo wuxuu qabtay iyo waxaanu ku guulaysanba la og yahay.” Ayuu yidhi Sheekhu. Sh. Aadan X. Muxumed Xiiray (Aadan-Siiro) ayaa difaacay Komishanka Doorashooyinka, isla markaana Axsaabta ugu baaqay in la daayo oo loo hoggaansamo.

Waxaanu xusay in Axsaabta Siyaasadda uu hore ugu tegay oo uu kala hadlay bedelaadda Xubnaha Komishanka, balse ay sheegeen in aan waqti loo hayn. “Komishanku wuxuu doono ha ahaado ee waa in la daayaa..Axsaabta mid walba Afkayga ayaan ula tegay oo markaan ku idhi bedela Komishanka, waxay igu yidhaahdeen waqti looma hayo. Haddaa ma Aniga, Reerkayga, Hooyaday iyo Masaajidkayga ayaa waqti idiin noqonaya. Haddaan waqti loo hayn ha loo hoggaansamo waxay soo saaraan.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Waxaanu ugu dambayntii Shacabka u jeediyay in ay danahooda ka tashadaan oo aanay noqon kuwo caadifad cid ku raaca. “Dadkana waxaan leeyahay yaynaan Adhi noqon, Aniga ayaan qabac-qabac ka il-bixine.” Ayuu yidhi Sh. Aadan-Siiro.

Doooddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Urur lagu magacaabo Somaliland Research Center ayaa sidoo kale waxa ka hadlay Pro. Siciid Axmed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Golis oo eedda muranka Siyaasadeed ee waqtiga Doorashada dusha u saaray saddexda Xisbi Qaran. Waxaanu sheegay in Heshiiskii hore ee muddada loogu kordhiyay Madaxweyne Rayaale aan lagu darin haddiiba ay Doorasho dhici waydo waxa laga yeelayo, isaga oo dardaaran-na u jeediyay Xisbiyada.

“Anigu qaladka waxaan saarayaa saddexda Xisbi oo habka loo maray ayaa qaldanayd. Markii lagu heshiinayay (muddo-kordhinta) khaladka waa la wada lahaa oo markii la yidhi waanu kordhinay, laguma darin waxa laga yeelayo haddii ay ku qabsoomi waydo muddadaas.

Qaladkaasi wuu jiraa oo saddexda Xisbi ayaan saarayaa. Waa in islaax lala yimaadaa..haddii ay murgayso waa in saddexda Xisbi min saddex xubnood iska soo doortaan, 9 qof oo kale oo aan Xisbiyada ku jirin oo ay Axsaabtu ku kalsoon yihiinna la soo doorto. Dabadeed, la gelo.” Ayuu yidhi Prof. Siciid Axmed.

Abwaan Axmed Aw-geeddi oo ka mid ahaa dadkii Dooddaas ka qaybgalay tixo kooban oo Gabayo ah, isla markaana ka turjumayay dalka iyo waqtiga hadda lagu jiro oo uu halkaa ka jeediyay ka sokow, wuxuu ka digay khatar Caafimaad iyo Amni oo ka dhalan karta dadka Ajaanibka ah ee Dalalka Somaliland la deriska ah ka soo jeeda ee dalka ku sugan. “Dad baa jira dalalka deriska ah ka yimi oo dalka ku tarmaya, Derbiyada jiifa oo xannuuno soo kordhiyay..Intaynu is-haysano dalan waa loo hadhi doonaa haddii aan hoos loo eegin.” Ayuu yidhi Abwaan Axmed Aw-Geeddi.

Kinsi Xuseen oo ka mid ah Xubnihii Ururada Bulshada ka socday ee doodda ka qayb galay oo iyana halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in Bulshadu hore u aragtay Danaysiga Siyaasiga, loona baahan yahay in ay isku duubnaadaan oo aanay ku dhex milmin caadifadda Siyaasadda.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), Guddoomiyaha Ururka Somaliland Research Center ee xafladda qaban-qaabiyey Barkhad-ladiif Maxamed Cumar iyo Cali Cabdi oo ka socday Ururka Somaliland Forum, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday sida ugu caqli-galsan ee ay dalka uga dhici karto Doorasho xor iyo xalaal ahi, waxaanay sheegeen in isu-tanaasulka iyo u-fikirka sida toosan ee Bulshadu ay keeni karto in si nabadgelyo ah dalka Doorasho uga dhacdo.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay, Afkaartoodana ka dhiibtay qaar ka mid ah ka-qaybgalayaashii Doodda ee Ururada Bulshada iyo Ardayda Jaamacadaha dalka
Ogaal

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: