Toggaherer’s Weblog

XILLIGAN WAXA LA ARKAY SULDAAN BAC JAAD KU SITA ,BERIGII HORENA…….XAAJI CABDIKARIIM

Posted on: March 21, 2009

XILLIGAN WAXA LA ARKAY SULDAAN BAC JAAD KU SITA ,BERIGII HORENA…….XAAJI CABDIKARIIM

“Asalkaba waxa loo sameystay hogaan dhaqameedka, hadii uu yahay Suldaan, Boqor, Garaad, Caaqil, Wabarka, Malaaqa, Ugaaska, midba Soomaaligu magaca uu doono ha ku sheegee waxa loo sameystay maslaxad iyo ururiye inuu noqdo oo uu u dhaxeeyo ummada ee aan dhinac raac-saneyn, marka ay gartu murugtana la isula yimaado. Guurti ayuu lahaan jiray hogaamiyuhu.

‘Guurtidu waa halka ay ka timi murtida ah ‘Bahhina waa xeertey Boqora waa gudoonshay,’.” Sidaas waxa yidhi Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe) oo lagu soo qaatey shalay Barnaamij laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du kaga hadlaysay doorka hogaanka dhaqanku ku leeyahay bulshada horeyso iyo danbeyso.

Xaaji Cabdi oo soo ahaa nabad doon ku dhawaad todobaatan sanadood, waxa uu sii iftiimeyey kaalinta hogaanka dhaqanku ku lahaa bulshada iyo sababta looga jeeday sameyntooda waxaana uu yidhi, “Kolkaan dawlad ajaanib ah iyo mid Soomaaliyeed midna jirin, hogaan dhaqameedka Beel daajiyaa la odhan jiray.

Rag aqoon leh oo beesha laga soo xulay marka ay arrinka la isku qabto ha ahaado, dil, kufsi, dhac arrinkaa la isku qabtey marka ay meel isla soo dhigaan ayaa loo keeni jiray oo la odhan jiray Boqorow gudoomi. Sidaas ayuu nin dhexe u ahaa oo lagu bilaabay.”

“Hogaanka dhaqanku waxay ahaayeen dab bakhtiis, Beesha uu ka dhashay haddii laga gar-daran yahayna inuu qabto oo yidhaahdo Samra wixii dhece,e haddii ay gar leeyihiina inuu gartaas odayaal dhexe u dhiibo oo muslax dhexe ka ahaado ayay shaqadiisu ahayd iyo inuu qoladii dhibtu ka timi u ergeeyo oo daweeyo ayaa loo dooran jiray. Nabad galyaa loo dooran jiray.”ayuu raaciyey hadalkiisa xaajigu.

Sifaha hogaamiyaha iyo qiyaasta ama shuruudaha lagu xulan jiray ninka reerku dooranayo ayuu xaaji Cabdi ka waramay, waxaana tilmaamihii uu bixiyay ka mid ahaa oo uu yidhi “Beeshaa u fadhiisan jirtay, maaha inaa caaqil noqonaya uun, anaa Suldaan noqonaya maaha. Laba nin oo walaalo ah ayaa ka yar Boqor-nimada leh la saari jiray, maxaa lagu saarayaa. Deganaanshaha, dulqaadka, ku dhiirashada odhaahda, cibaadada, nin la xushay ayaa boqorka laga dhigi jiray. Ama caaqilka loo dooran jiray, maaha ninku inuu yidhaa I doorta ama iska kaco isagu, ama isku sheego uun sida immika joogta Boqor, Suldaan.”

“Nin ka soo kacay oo makhaayad haysta, ayaa odhanaya waqtigan Suldaanimada iyo Garaad-nimada waan ka hanweynahayoo Boqor ayaa la I yidhaahdaa, waanu kala garaneyne garaadka iyo boqorku waa isku mid.

Ninkana sifahaa aan soo sheegay iyo waxa lagu xulan jiray, tilmaamo ay ka midtahay, ‘Deeq, Xishood, Samir ayaa lagu dooran jiray oo reerku marka uu isla garto raaska hogaamiyaha laga dooranayo, hadana ruuxa uu noqonayo ayaa la sii kala xuli jiray oo Afar walaalo ah ka ugu weyn uun maaha ‘e waa ninka sifooyinkaa yeesha ee loo garto inuu meeshaa ka soo baxayo ayaa loo dooran jiray.”

Xaaji Cabdi Xuseen oo waqtigan ah gudoomiyaha gudiga joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland waxa uu dhinaca kale ka hadlay oo wax laga weydiiyey hogaamiyayaasha xiligan iyo qaabka ay go’aamada u qaataan. “Waxa la arkey xiligan nin inta uu cidlo u baxo, isagoo Suldaan ah oo aan Guurtidii beeshiisii ama Soomaalidii loo boqradey ee uu la dhaqan ahaa waxba weydiin, isagu warbaahinta tagaya oo soo saaraya amar ah, hadaanu reer hebel nahay sidaas ayaanu yeelay.

Ceeb ayay ahayd in nin Saldaan ahi uu baano, ‘Suldaan baanay ama Caaqil baanay beeshii ka bax, waa in Suldaanku dhex ahaadaa. Maanta Suldaankaa goonida wax u soo saaraya, ee beeshii masabidaya ee magiciisii dilaya ee aan wada tashiga lahayn, waxa ku sugan nusqaan.” Ayuu yidhi, waxaana uu intaa ku daray Xaaji Cabdi waraabe oo yidhi.

“Waxa la arkey xiligan, Suldaan bac ku sita Jaad..” Qosol kooban oo la yaab ku jiro ayuu raaciyey xaajigu. waxaana uu halkaa ka sii wadey hadalkiisii “Waxaan la shir-galay, Suldaan Cabdilaahi , Suldaan Maxamuud Cali Shire, Garaad Jaamac, Suldaan Xirsi-Qani, Suldaan Cabdiraxmaan. Ragaas oo aanu ka wada-qayb galay shir lagu sameynayay dawladaha hoose oo Burco ka dhacay, kolka nusasaaca aanu ka soo dareero shirka makhaayadda laga qaxweynayo koob shaaha kamay cabi jirin odayaashaasi, kursaasida ayay fadhiisan jireen lama arag mid koob shaah ah maqaaxi ka cabaya maqsinka ay fadhiyaan maaha’e.”

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: