Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA KHARJIGA XUKUUMADA SHARIIFKA OO CODSADAY IN CUNAQABTAYNTA HUBKA LAGA QAADO SOMALIYA

Posted on: March 21, 2009

WASIIRKA KHARJIGA XUKUUMADA SHARIIFKA OO CODSADAY IN CUNAQABTAYNTA HUBKA LAGA QAADO SOMALIYA

Newyork 21 Mar 2009 THN
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Maxamed cabdillahi Omaar ayaa sheegay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay dowlada u yeelato ciidan xoogan ugana guuleysato kooxaha kasoo horjeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya ayaa ka codsaday golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in dib loogu noqdo qaraarkii cunaqabateynta ee dalka Soomaaliya la saaray dagaalkii sokeeye 1991 kadib.

Wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Omaar ayaa ka qeyb galay kalfadhi uu yeeshay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa codsiga caalamka u diray kaga hadlay caqabadaha horyaal Dowlada Soomaaliya asagoo sheegay hadii aan la helin ciidan xoogan oo ay Dowlada Soomaaliya leedahay aysan suurto gal noqon karin in Dowladu ay wax ka qabato dhinaca Amaanka.

Wasiirka ayaa codsigiisa raaciyey in Qaramada Midoobay ay dar dar geliso mucaawinada lasiiyo dalka Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulankaasi khudbado iyo warbixin kasoo jeediyey Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Mr.Walad Cabdallah, oo sheegay in caalamka loo baahan yahay in ay xoojiyaan dowlada Soomaaliya loo dhisay si looga gudbo caqabada Soomaaliya.
Waa booqashadii ugu horeysay oo uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya ku tago Xarunta Qaramada Midoobay tan iyo intii la dhisay dowlada midnimo Qaran ee uu hogaamiyo Shiikh Shariif Axmed.

XAFIISKA WARARKA TOGGAHERER
OSLO NORWAY

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: