Toggaherer’s Weblog

WARSAXAAFADEED WASAARADDA MACDANTA IYO BIYAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Posted on: March 21, 2009

WARSAXAAFADEED WASAARADDA MACDANTA IYO BIYAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha JSL waxay munaasibadda maalinta Biyaha Aduunka 22/03/09 waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhamaan dad waynaha reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo debadiisa ku noo iyo guud ahaan inta ku hawlan arrimaha biyaha gaar ahaan Ha’adaha caalamiga iyo wadanigaba leh ee ay wada shaqaynta dhaw leeyihiin.

Maalinta 22ka bisha Maarso waxa caalamka u aqoonsaday loona qoondeeyay maalinta Biyaha Caalamkan aan ku noolnahay. Waa maalinta caalamka oo dhan laga xuso qiimaha iyo saamaynta Biyuhu ku leeyihiin nolosha noolaha (dadka, duunyada, dalaga) borumarka dalka iyo nabadgalyadda xasiloonida iyo wad dhaqanka, dadka deegaanada iyo guud ahaan dalalka .

Sidoo kale dalka Somaliland ayaa barito 22/03/09 laga xusayaa dhamaan Gobolada, degmooyinka iyo Magaalo madaxda Hargeysa .

Waxtarka khayraadka biyaha:

Sanadkan 2009 waxa halkudheg u ah (Trans-boundary Water), Biyaha taas oo ina xusuusinaysa in ayna bihuhu xuduud lahayn iyo wadan gaara oo ay ku kooban yihiin. Ka faaidaysiga iyo adeegsiga khayraadka biyaha lama xanibi karo mana joojin karo xadka u dhexeeya laba wadan.

Xuquuqda asaasiga ah ee aadamiga ee aan sinaba loo duudsiyi Karinayuu ka mid yahay isticmaalka adeegsiga biyuhu, sidaas darteed khayraadka biyuhu waa nimco Allaha kaliyi bixin karo oo ka dhaxaysa aduunka, waana in sifo sharciya waafaqsan loo maraa isticmaalka, soosarista, illaalinta iyo adeesiga khayraadka biyaha.

Wasaarada Macdanta iyo Biyaha JSL waxay magaca dadweynaha iyo xukuumadda Somaliland kala qayn galaysaa caalamka qiimaynta iyo u dabaaldaga maalinta khayraadka Biyaha ee 22 Maarso. Waxayna si gaara u salaamaysaa umadda reer Somaliland, Hay’adha caalamiga

ah iyo wadanigaba ah eek u sugan dalka kana shaqeeya arimaha la xidhiidha biyaha iyo faya dhawrkooda.

Dhamaad

Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim

Wasiirka WM&Biyaha

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: