Toggaherer’s Weblog

MARKAB LAGA LEEYAHAY WADANKA GIRIIGA OO BUDHCAD BADEED QAFAALTAY

Posted on: March 21, 2009

MARKAB LAGA LEEYAHAY WADANKA GIRIIGA OO BUDHCAD BADEED QAFAALTAY

Boosaaso 20 March 2009 (THN)
Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa xeebaha ku dhow Soomaaliya ku afduubtey markab xamuul ah oo laga leeyahay wadanka Giriiga.

Sida ay sheegtey wasaarada Ganacsiga badda ee wadanka Giriiga ayaa sheegey in kooxaha burcada ee ka qawleysata xeebaha soomaaliya iyo gacanka cadmeed ay afduubteen markabkan ganacsiga ah.

Markabkan oo lagu magacaabo St. Vincent-flagged Titan oo ay saarnaayeen 24 shaqaale ah oo ay labo kamid ah tahey giriiga ayaa waxa uu ahaa nooca xamuulka ah ayna la aadeen dhinaca xeebaha Gobolada waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Markabkani ganacsi ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradu waxaa uu sidey qalab ay kamid yihiin biro waxaana uu ku sii jeedey wadan K/Kuuriya.

Inta badan Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa waxey xeebaha Soomaaliya ay ka qabsadeen in ka badan 130 markab iyagoo ay ka qaadaan madaxfurasho lacageed oo ah malaayiin doolar.
Arintani ayaa waxey ku soo beegmeysaa xili ay xeebaha soomaaliya iyo kuwa gacanka cadmeed ay gaaf wareegayaan markiib shisheeye oo ilaalineysa Burcada ka qayb ah la dagaalanka uu kula jiro aduunku Burcad badeeda. Soomaalida ah.

Sidoo kale Afduubkan ayaa imaanya kadib markii uu Xogyaha guud ee QM Ban Ki Moon uu shaaciyey in Burcad badeeda Soomaaliyeed La ciribtiri Karin inta Soomaaliya looga helayo dawlada Hanata xasiloonada Wadanka oo dhan.

Axmed Cali weheliye
Togaherer Bosaaso

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: