Toggaherer’s Weblog

MAGAALADA BURCO OO MAANTA LAGU QISAASAY LABA NIN OO MAXKAMADU KU XUKUNTAY DIL.

Posted on: March 21, 2009

MAGAALADA BURCO OO MAANTA LAGU QISAASAY LABA NIN OO MAXKAMADU KU XUKUNTAY DIL.

Burco 21 Mar 2009 THN
Magaalada Burco ayaa maanta Dil qisaas ah lagu Fuliyey laba Gacan Ku dhiigle Goob fagaare ah ka dib markii ay Maxkamadu Ku xukuntay Dil toogasho ah M/weynuhuna saxeexay.

Dilkan ayaa loo Cuskaday Xeerka Iyo Quraanku Waxa uu ka qabo ,Labadan Nin ee lagu Fuliyey Xukunka Qisaasta ah ayaa iyagu Hore u dilay Laba Marxuun waxaana la mariyey saddexda Maxkamadood ee kala ah Maxkamada Hoose Rafcaanka iyo Maxkamada Sare Eheladii laga dilay marxuumiintaas ay dalbadeen in loo qisaaso ragan Diyona aanay qaadanayn.

Labada Gacan Ku dhiigle ee maanta qisaasta lagu Fuliyey ayaa kala ahaa.

1- Saalax Mahdi Axmed oo hore u dilay Marxuum Qaasim Ismaaciil Jaamac 4 June 2008.
2- Muuse Jaamac Cabdi oo Hore u dilay Marxuum Maxamuud Cali Siciid 30 March 2008.

Dilkan Qisaasta ah ee maanta la fuliyey waxaa Fuliyey Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka oo ka kala socday Ciidanka Bilayska Asluubta Iyo Milatariga , sidoo kalena waxa goob jog ka ahayd maxkamada Xeerilaalinta Dhakhaatiir Iyo Ehelada Dadkii la dilay .

Farxaan Yusuf Ismaaciil
Burco

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: