Toggaherer’s Weblog

LABDADA MADAXEYNE EE DALKA SOMALIYA IYO YEMEN OO QADKA TELEFONE KA ISKU WARAYSTAY

Posted on: March 21, 2009

LABDADA MADAXEYNE EE DALKA SOMALIYA IYO YEMEN OO QADKA TELEFONE KA ISKU WARAYSTAY

Sanca 20 March 2009 (THN)

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii dib loogu soo celi lahaa nabadii uu lahaa dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalintii shalay aheeyd qadka talaafanka kula xariiray Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax iyagoo ka wada hadlay arimaha dalka Soomaaliya.

Wakaaladda wararka ee dalka Yemen ayaa waxaa ay sheegtay in madaxweyne Sheekh Shariif uu uga mahad celiyay Madaxweynaha dalka Yemen sida dowladiisu ay ula dhaqanto dadka qaxootiga ah ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo sida ay Yemen u danayneyso arimaha dalka Soomaaliya oo xal laga gaaro.

Labada madaxweyne ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale ay isku soo hadal qaadeen dadaalada dowladda Yemen ay doonayso in ay ku bixiso sidii gacan looga geysan laha in amniga iyo kala dambeynta dalka ay dib ugu soo laabato.

Sheikh Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in dowladda wadanka Yemen uu uga mahad celinayo dadaaladeeda ay ku doonayso in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto.

Madaxweynaha Yemen Cali Cabdala Saalax ayaa mar kale ku celiyay in dowladda wadanka Yemen ay garab istaagi doonto arimaha dalka Soomaaliya,waxaana dowladda Yemen ay sheegtay in ay doonayso midnimo iyo nabad dib ugu soo laabata dalka Soomaaliya.

Baaruux Xasan Cali
Sanca

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: