Toggaherer’s Weblog

Posted on: March 21, 2009

KULAN HOOSAAD XISBIYADA MUCAARIDKU YEESHEEN IYO MAXAMED MUSE ABEES OO BEENIYEY

Kulan Hoosaad Ay Yeesheen Xisbiyada Mucaaridku Iyo Masuul Kulmiye Ka Tirsan Oo Beeniyay Warar Si Wayn U Dhex Qaaday Dalka

Maxamed Muuse Abees oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye ayaa beeniyay war si xoog leh xalay laysula dhex maray Hargeysa kaa soo lagu sheegay in uu xisbiga Kulmiye aqbalay in maalinta doorashada ee uu komishanku u cayimay 31-May ay ahaato sidaa ay labada xisbi ee kale ay cadeeyeen inay ku qanacsan yihiin ka dib wada hadal hoose oo maalmahan danbe u socday labada xisbi ee Mucaaradka ah.

Maxamed Muuse Abees oo ka mid ahaa xubnaha guddida ee dhinaca Kulmiye uga qayb galay wadahadaladaas ayaa war aan sal iyo raan toona lahayn ku tilmaamay hadal hayntaa shalay galinkii danbe iyo xalay suuqa la soo galiyay waxaanuu sheegay in aanuu kulan soo qaadin qodobada laga wada hadlayana aanay ka mid ahayn maalinta doorashada doorashada ee 31-ka iyo mid kale toona balse ay labada xisbi ee Mucaaradka ahi ka wada hadlayeen mawqifkooda ah sida ay diyaarka ugu yihiin labaduba inay dalka doorasho ka dhacdo iyo waliba waxa uu noqonayo Mustaqbalka hogaanka xukuumadu marka ay dhamaato muddadiisu kaa soo ay labada xisbiba mabda ahaan isku raacsan yihiin in maalinta ay dhamaato muddada sharciga ah ee qabashada doorashadu oo ku eeg 6-bisha April in uu madaxweynaha wakhtigan xilka haya ee Rayaale wixii maalintaa ka danbeeya la mid yahay murashixiinta xisbiyada kale ee dalka.

Badbaadada dalkuna ay xilligaa dushooda tahay Hayadaha sharci dejinta ee Baarlamaanka (Guurtida iyo wakiilada) sidaa waxa uu Maxamed Muuse Abeeso khadka telefoonka ugu sheegay Saxansaxo xalay isagoo jooga gurigiisa.

Jawaabta Maxamed Muuse Abees ayaa ka danbaysay ka dib markii shalay galinkii danbe ilaa xalay si xoog ah laysula dhex qaaday xan lagu sheegay in ay xisbiga Kulmiye ka soo dabceen mawqifkoodii oo ay diyaar u yihiin in ay saxeexaan muddo kordhinta dadban ee Madaxweynaha oo ah inay aqbaleen maalinta 31-ka May ee ay komishanka doorashooyinku u cayimeen maalinta la qaban doono doorashada taas oo Maxamed Muuse Abees cadeeyay in labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucidba xantaasi ay ka been sheegayso.

Lixda April ee sanadkan ayaa waxay ku beegan tahay maalinta ugu danbaysa ee uu sharciga dalku ogol yahay inay qabsoonto doorashada madaxtinimada dalku, kaas oo dhigaya inay doorashada madaxweynuhu dhacdo ama ay qabsoonto soddon maalmood ka hor dhamaadka muddada xilka muddada loo dhaariyay.

Haseyeeshee muddadii xilka loo dhaariyay Madaxweyne Daahir Rayaale iyoku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hore ugu eekayd kal hore 15-kii bishii May xilligaas oo ay golaha guurtida oo awood sharci u leh marka ay doorashadu xilligeeda qabsoomi waydo sababo uu sharcigu tilmaamay awgeed inay muddo kordhin u samayn karaan

SaxanSaxo Press

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: