Toggaherer’s Weblog

Posted on: March 21, 2009

LABA NIN OO SHABAABKU KU TOOGTEEN GAROONKA KUBADA EE BALCAD MAXAYSE AHAAYEEN LABADAA NIN!!!!!!!!!!

Muqdisho 21 Mar 2009 THN
Ciidamada Alshabaab ee ku sugan degmada Balcad ayaa fal dil ah u geystay laba nin dhaawac ahaa oo laga keenay magaalada Guriceel kadib markii dhaawacooda wax looga qaban waayey halkaasi kadibna halkaasi laga soo qaaday si loogu dabiibo magaalada Muqdisho.

Labadan nin oo ahaa sida ey u eedeeyeen Alshabaab raggii dagaalkii Wabxo lagu dhaawacay ayaa maalintii Jimcaha la soo dhaafay lagu toogtay garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Balcad.

Labada nin oo laga degay gaari hoomey ah oo ka soo qaaday Guriceel ayaa waxaa xukumay maxkamada islaamiga ee Balcad oo qaadi ka ahaa nin Alshabaab ah iyadoo lagu xukumay dil qoor gooyn ah iyagoo sida ey sheegeen illo lagu kalsoon yahay nin lagu eedeeyey iney la shaqeynayeen amxaarada isla markaasna ey weerar ku qaadeen meelo islaamka lagu xukumo iyagoo sheeganaya iney kamid yihiin Ahlu Sunnah Waljamaaca.

Raggan la dilay ayaa la sheegay in lgau kala magacaabi jiray Maxamed Daahir Barre iyo Mursal Cabdi Cosoble oo laduba la socday gaari hoomeyga ah iyaga oo dhaawac halis ahi soo gaaray.

Al Shabaab iyo Kooxaha Ahlusunah sheegta ayaa waxaa ka dhexeeya Dagaal culus kadib markii Shabaab Dagaal loogasoo saaray Magaalooyinka Guri Ceel iyo Dhuusamareeb Gobalka Galgaduud iyadoo maalmihii la soo dhaafayna uu dagaal qaraar ku dhexmaray degmada Wabxo iyo Dac.

WARIYE AXMED KULAN (JOOKAR)
MUQDISHO
TOGGAHERER

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: