Toggaherer’s Weblog

TALIYIHII NABAD SUGIDA SOMALIA MR DARWIISH OO MAANTA XILKII LAGA XUUBIYEY

Posted on: March 20, 2009

TALIYIHII NABAD SUGIDA SOMALIA MR DARWIISH OO MAANTA XILKII LAGA XUUBIYEY

Moqdisho 19 March 2009 (THN)
Kulan ay isugu yimaadeen Golaha wasiirada Dowlada Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxa Xilkii loogaga qaaday Taliyihii Ciidamada Nabadsugida Gen Max’ed Warsame Darwiish .

Xilkaqaadistan lagu sameeyay ayaa waxaa Booskiisa lagu bedelay Gen Max’ed Sh Xasan oo isagu ka mid ahaanjiray Isbaheysigii ARS oo Dowlad Wadaaga La Garay Dowladii TFG-da ee Soomaaliya oo iminka Noqotay Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya .

Generalka Xilka Laga qaaday ayaa xiligan waxaa uu ka maqanyahay Dalka waxaana sitoos ah loo shaaciyay in maanta laga bilaabo uusan aheyn Gen Darwiish Taliyaha Ciidamada Nabad sugida .

Waxaa sidookale looga hadlay Kulankii ay Maanta Qaateen Wasiirada Soomaaliya Arinmo ay ka mid ahaayeen Burcad badeeda Soomaaliya ayadoo laga soosaaray Codsi Wasiirada Soomaaliya ay u dirayan Qaramada midoobay oo ay taasi oo ay kaga Hadlayaan Arinta calaamadeynta Xuduudbadeedka Soomaaliya.

Qodobadii looga hadlay ayaa waxaa ka mid aheyd Arimaha Garkaagka Xuquuqda Bin aadan tinimada ayadoo siweyn looga Falanqeeyay Arimo badan oo ay sidookale ka mid ahaayeen Mamnuucista Dhul ay dowladu leedahay in la gadan Karin lana dhisan Karin

Waxaana ugu dambeyntii arimahaasi oo dhan ka warbixiyay Wasiirka wasaarada Warfaafinta Farxaan Cali Max’ed Shir Jaraa’d oo uu galabta ku qabtay Wasaaradiisa

Wariye Axmed Kulan (Jookar)
Togaherer Moqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: