Toggaherer’s Weblog

NIN SOMALI AH OO MAXAKAMAD KU TAAL ETHIOPIA XUKUN AY RIDI LAHADY BAAQSADAY

Posted on: March 20, 2009

NIN SOMALI AH OO MAXAKAMAD KU TAAL ETHIOPIA XUKUN AY RIDI LAHADY BAAQSADAY
Adisababa 19 March 2009 (THN)
Waxaa maanta dib u dhacay dhageysiga maxkamad la saari lahaa nin asal ahaan u dhashay dalka Soomaaliya oo dowladda Itoobiya in muddo ah xabsi Milateri ku heysay.

Ninkaan oo lagu magacaabo Bashiir Makhtal una dhashay dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ciidamada dalka Kenya waxay ka qabteen xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya oo iyaduna gacanta u gelisay dowladda Itoobiya, waxaana Bashiir Makhtal lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay ururka ONLF.

Dowladda Itoobiya ayaa waxay ku eedeysay Bashiir Makhtal inuu abaabulayay mu’aamarooyin la doonayay in lagu inqilaabo Dowladda Itoobiya, sidoo kale waxaa ka mid ah eedeymaha loo jeediyay inuu xiriir la leeyahay ururrada argagixisada isla markaasina ka qeyb qaatay dagaalada ka dhacay Soomaaliya.

Maxkamadda dhageysigeeda uu dib u dhaca ku yimid ee lagu saari lahaa Bashiir Makhtal ayaa timid markii ay soo xaadiri waayeen markhaatiyaashii ku marag furi lahaa dembiyada lagu soo eedeeyay, iyadoona Maxkamaddu ay go’aamisay in Bashiir Makhtal lagu xiro xabsiyada dadka rayidka ah, halka markii hore uu ku xirnaa xabsi Milateri oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.

Bashiir Makhtal waxa uu ka soo jeedaa Soomaalida Itoobiya degan, wuxuuna heystaa sharciga Canadian ah , iyadoona ehelada ninkaasi eedeysanaha ah ay ka codsadeen in ay booqan karaan ehaladiisa, inkasta oo Dowladda Itoobiya aanay weli wax jawaab ah ka bixin.

Xusen Jamac Duraan (Xusto)
Togaherer Adiss abab

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: