Toggaherer’s Weblog

MUJAAHID CALI GURAY OO SHEEGAY IN UU XISBIGA KULMIYE KA BAXAY WALINA AAN CAYN CIDA UU KU BIIRAAYO

Posted on: March 20, 2009

MUJAAHID CALI GURAY OO SHEEGAY IN UU XISBIGA KULMIYE KA BAXAY WALINA AAN CAYN CIDA UU KU BIIRAAYO

Hargaysa 18 March 2009 (THN)

Waxaa maanta Huteel Crown ee magaalada Hargaysa shir jaraaid ku qabtay xubin ka mid ah xubnihii tiir dhexaadka u ahaa xibiga kulmiye xubintaas oo lagu magacaabo Muj, Cali Maxamed (Cali Guray ) taas oo uu ku cadeeyey shirkiisi jaraaid ee maanta in uu ka baxay xisbigii Kulmiye ee uu hore uga tirsanan jiray kalsoonidiina kala noqday taas oo ay sababtay guuldarooyin badan oo xisbia gudihiisa iyo dabada ah oo ay ka mid tahay diidmadii ama qaadacaadii ay qadaceen arimaha doorashada taas oo uu yidhi ilaa gudoomiye Siilaanyo ayaa arintan abaabulkeed iyo gacan ka gaysashadeeda lug wayn ku lahaa .

Muj. Cali Guray waxa uu sheegay in kooxda ururka la aqoonsan waayey ee Qaran iyo qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM oo madax ka ah xisbiga inay sabab u yihiin inay carqaladeeyaan oo ay maroorsadaan taladii xisbiga iyagoo doonaya inay aargoosi siyaasadeed ku sameeyaan Koomishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta siyaasada si ay u helaan fursad cusub oo lagu furo tartankii ururada iyagoo inta ka horaysa doonaya dalku inuu ku dhaco waxba la’aan

Mujaahidku waxa kale oo uu sheegay in taladii xisbigu inay noqotay inay kooxo yar oo dano siyaasadeed oo kala duwan lihi ku hirdamaan taladiisa isla markaana uu fawdo noqdo majarihii siyaasdeed ee ay xisbiga ku ahaayeen taasina sababtay wakhtigan inaanu isagu ku sii jiri Karin inuu dalka u horseedo in dib loogu noqdo waxaan jirin, taas oo uu sheegay uu sheegay go’aankan intii aanu qaadan inay isaga iyo xubno kale oo xisbiga miisaan culus ku lihi u soo jeediyaan xisbigu inuu ka noqdo go’aanka uu ku diidan yahay wakhtiga xukuumadda oo ay komishanku sababeeyeen duuufaha keenay isla markaana ay ku qancin kari waayeen

Isagoo ka hadlaya cawaaqib xumada go’aanka xisbiga Kulmiye uu ku diidan yahay inuu saxeexo heshiiska labada xisbi ee kale iyo komishanku ay galeena waxa uu yidhi “ wax kale maaha waxa ay doonayaan iyagoo ka faa’iidaysanaya go’aanka deeq bixiyayaasha ee ah lacag bixin mayno ilaa aad noola timaadaan waxaad heshiis ku tihiin mooyaaane taas ayay doonayaan inay ku khasbaan inay dhacdo oo Komishanka iyo labada xisbi ee kale waxba kama jiraan laga soo qaado Doorashana dalka ka dhici weydo

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: