Toggaherer’s Weblog

JIMCYADA QURUUMAHA KA DHAXAYSA OO SHEEGAY IN XIDHIIDH KA DHAXEEYO BUDHCAD BADEEDA IYO PUNTLAND

Posted on: March 20, 2009

JIMCYADA QURUUMAHA KA DHAXAYSA OO SHEEGAY IN XIDHIIDH KA DHAXEEYO BUDHCAD BADEEDA IYO PUNTLAND

Garoowe 20 Mar 2009 THN
Jimciyada Quruumaha Ka dhaxaysa (UN) ayaa markii ugu horeeysay si cad uga hadashay suurtalagnimada in uu jiro Xidhiidh  wada shaqeyneed oo ka dhexeeya Maamulka Puntland iyo Budhcad Badeeda Soomaalida ee maraakiibta badaha isaga goosha Qafaasha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo warbixin uu ka soo saaray xaalada Budhcad Badeeda Soomaalida u gudbiyay Golaha Amaaanka ee UN ka ayaa waxaa uu ku sheegay in dalka Soomaaliya dhinaca Puntland ay ka jiraan laba Shabakood oo saldhig iyo hogaan u ah Budhcad Badeeda Soomaalida.

Warbxinta Xoghayaha Guud waxaa sidoo kale ku xusneyd in Qaramada Midoobay ay Rag ka mid ah maamulka Puntland ku tuhunsan tahay in ay xidhiidh hoose la leeyihiin Budhcad Badeeda Soomaalida, waloow aan magacooda la xusin.
Maamulka Puntland weli wax jawaab ah kama bixin hadalkan ay Qaramada Midoobay kaga hadleeyso xidhiidh la sheegay in uu ka dhexeeyo Kooxaha Budhcad Badeeda Soomaalida iyo Maamulka Puntland.

Wariye Mukhtaar Maxamed Sheekh
Togaherer Garoowe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: