Toggaherer’s Weblog

Posted on: March 20, 2009

CULIMADA XUKUUMADA IYO GARABKA ASMARA OO KA HADLAY CAJALADII OSAMA UU BAAHIYEY

Moqadisho 20 Mar 2009 THN
Kadib cajaladii uu soo diray Osama Bin-Laden hogaamiyaha Alqaacida ,Cajalada oo uu ku sheegay in la Rido Xukuumada Shariif ka ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Culimada Soomaaliyeed Xukuumadda iyo Kooxda Asmara.

Waxaa maanta ka hadlay arrintan Sh. Xassan Daahir Aways wuxuuna yidhi mar uu la hadlay TVga Al Arabiya ee fadhigiisu yahay UAE ” Arimaha Somalia lagala tashan maayo Bin- Laden Somaliduna iyada ayaa wixii u dan ah og” isagoo iska fogeeyey in wax isugu darsan yihiin shacabka Somaliyeed in Osama Bin-Laden.

Mar uu ka hadlayey faragelinta lala dabajoogo Somalia ayaa Aweys yidhi”“Dadka Soomaaliyeed ma jecla wax dibada looga soo yeedhiyo” isagoo sheegay in dadka somaliyeed ay ogyihiin waxa u dan ah.

Dhanka kale, waxaa isaguna maanta ka hadlay Sh Bashiir Axmed Salaad oo ka tirsan culimada Somaliyeed ugana digay waxaa uu iclaaminayo Osama iney yihiin dhiig islaam oo la daadiyo taasina aysan u noqon ummadda Somaliyeed oo dagaalo iyo abaaro rabbaani ah la soo daalaa dhacay muddo dheer.
Geesta Kale waxa sidoo kale ka hadlay hadalka Osama Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya Farxaan Cali Maxamuud wuxuuna sheegay in hadalkii hogaamiyaha Al-Qaacida uu ahaa mid macna daro ah isla markaana ah mid laga xumaado maadaama buu yidhi Soomaaliya ay ka jirto dawlad wanaagsan oo ay taageersan yihiin Shacabka Soomaalida kuna dhaqanta shareecada Islaamka.
Wasiirka ayaa sheegay in Osama Bin Laden uu isagu u baahan yahay talo, marka uu talo siiyo Shacab dawlad leh, maha wax dhici karta, isagoo ku nool nolol xun marka aayahiisa ha katashado, intuu la hadli lahaa Shacabka Soomaaliyeed arrimahooda ” Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa moodaa iney iska fogeynayaan masuuliyiinta Somaliyeed Mucaarad, muxaafid iyo culimo iyo caamiba intaba talada uu u soo jeedinayo Hoggaamiyaha Alqaacida.

Wariye Axmed Jookar
ToggaHerer Moqadisho

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: