Toggaherer’s Weblog

WAFTI KA SOCDA DAWLADA FARANSISKA OO MAANTA HARGAYSA KA FURAY XARUN AFKOODA LAGU BARTO

Posted on: March 19, 2009

WAFTI KA SOCDA DAWLADA FARANSISKA OO MAANTA HARGAYSA KA FURAY XARUN AFKOODA LAGU BARTO
Hargaysa 18 March 2009 (THN)

Weftigii ka socday dalka Faransiiska ee ka koobnaa safiirka faransiiska u fadhiya dalka Jabuuti iyo xubno ka socda Baarlamaanka dalka Faransiiska kuna jiro Seneter u qaabilsan Arrimaha Dibada ayaa saaka ka qayb qaatay furitaankii xarunta ururka xidhiidhka Somaliland iyo Faransiiska xuruntaas oo leh qaybo lagu barto Afka Faransiiska.

Waxaa iyaguna xafladaas ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Wasiirka Dalxiiska ee Somaliland iyo dadweyne tiro badan oo ah kuwa yaqaana afka Faransiiska kana tirsan ururkaa.

Ugu horayn waxa halkaa khudbad ka soo jeediyey Cali Fu’aad oo ka madaxa Ururka kuna soo dhaweeyey weftigii iyo madaxdii kale isna markaana ka sheekeeyey taariikhda dheer ee ilaa dagaalkii koobaad iyo kii labaad ay reer Somaliland meel kula dhinteen kana mid ahaayeen Ciidamada Faransiiska.

Waxa kale oo iyona meesha hadalo ka jeediyey laba wasiir iyo madax kale oo oo ka kala socday dawlada somaliland iyo waftoga faransiiska ah .

Dhanka kalena Seneterka weftiga ka socday oo halkaa hadal dheer ka jeediyay ayaa sheegay in dawlada Faransiisku xiisaynayso Jamhuuriyada Somaliland isla markaana xidhiidhka furmayna uu yahay mid talaabo talaabo u kordhaya.

Maxamed ‘Muuse
Togaherer Hargaysa


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: