Toggaherer’s Weblog

OSAMA BIN LADEN OO SHEEGAY IN DAGAAL LALA GALO XUKUUMADA SHARIIF DALKANA LAGA SAARO

Posted on: March 19, 2009

OSAMA BIN LADEN OO SHEEGAY IN DAGAAL LALA GALO XUKUUMADA SHARIIF DALKANA LAGA SAARO

Hogaamiyaha Al-qaacida Osama Bin laden ayaa cajalad cod ah oo lagu baahiyey bar Internetka waxa uu kaga hadlay arimaha Soomaaliya isagoo ugu baaqay kooxaha dagaalada ka wada Soomaliya inay dagaalkooda sii kordhiyaan ilaa iyo inta ay dalka ka saarayaan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cajaladan oo la soo dhigay maanta oo khamiis ah ayaa waxa ay soconaysay 11 daqiiqadood dhamaanteedna waxay ka hadlaysay Somaliya Cajalada ayaa loogu magacdaray “Sii dagaalama Horyaalka Somaliyey”.

Osama Bin Laden ayaa ku baaqay in dagaal lala galo dowlada Soomaliya ee uu hogaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay in dalka laga saaro,Isaga oo ku tilmaamay dowlad Riddo ah

Isagoo ka hadlayay amuurtani ayaa waxa uu yidhi ” Sheekh Shariif kani …. waa in lala dagaalamaa oo dalka laga saaraa” ayaa lagu yidhi cajaladaasi codka aheyd ee la sheegay inay tahay hogaamiyaha ururuka Alqaacida ee Osama Bin Laden.

” Wuxuu la mid Madaxweyneyaasha kale ee carbeed ee gacanta siiya cadowgeena” ayuu yidhi Osama Bin Laden oo ah ninka aduunka loogu baadi doon badan yahay.

Axmad wuu is-bedelay wuxuuna la saftay Kuffaarta” isagoo intaasi ku daray “Sidee qof walboo caqli leh u aqbalayaa nin shalay cadowgiisa ahaa ey haatan saaxiibo yihiin?”.

Waa Cajaladii Seddexaad ee uu soo dhigo hogaamiyaha ururka Alqaacida Internet oo kaga hadlayo arimo dhowr ah oo Khuseeyo soomaliya .

Warqabdka ToggaHerer
Hargeysa Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: