Toggaherer’s Weblog

HANTIDHAWRAHA GUUD EE QARANKA OO MAANTA HOR YIMID GOLAHA WAKIILADA S/L

Posted on: March 19, 2009

HANTIDHAWRAHA GUUD EE QARANKA OO MAANTA HOR YIMID GOLAHA WAKIILADA S/L

Hargaysa 18 March 2009 (THN) Hantidhawraha guud waxa uu golaha ka hor akhriyay warbixin dheer oo uu kaga waramayey dakhligii soo galay xukuumada 2007 iyo kharashkii ay ku isticmaashay taasi oo uu sheegay waajibaadka ka saaran markii uu ka gutay baadhid iyo dabagalna ku sameeyey inay waafaqsan tahay sidii loo isticmaalay shuuracada maaliyada ee dalka u dejisan. Fadhiga golaha wakiilada ee maanta oo la filayey hanti dhawruhu inuu kala kulmi doono su’aalo iyo eedaymo badan oo ay u jeediyaan mudanayaashu ayaa waxa dhacday warbixintiisa markii uu dhamaystay in la waayo hal mudane oo su’aal ka waydiiya xisaab xidhka 2007 da hanti dhawraha guud taasi oo waji gabax ku noqotay mudanayaashii mucaaridka ahaa ee fadhiyey madasha iyadoo laga waayey fadhiga maanta gudidii dhaqaalaha ee golaha wakiilada oo u xilsaarnayd golaha la socodka iyo kaantaroolida sarakiisha ama masuuliyiinta dawlada ee gacanta ku haya hantida ummada kuwaasi oo in badan marka aan la hor imanin ku eedeeya in musuqmaasuq ka jiro dalka. Hanti dhawraha guud waxa uu mudanayaasha hortooda ka cadeeyay inaanay ku maqnayn xafiiskiisa xisaab xidhadii miisaaniyadihii 2005-2006 da. Taasi oo uu hore ugu soo gudbiyay shirgudoonka golaha wakiilada isla markaana waxa uu sheegay xisaab xidhkii 2008 da inay xaq u leeyihiin ilaa iyo bisha june ee 2009 inay ka baraan degaan. Taasi oo lagu qaatay shirgudoonku balse ka codsaday inay soo dadajiyaan. Hanti dhawraha guud ee qaranku isagoo sharaxaad ka bixinaya xisaab xidhkii waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxa baadhis & hubinba aanu ku samaynay dhamaan warqadaha lagu maamulayay miisaaniyadan sida ay u waafaqsan yihiin xeerarka & qawaaniinta u degsan maamulka maaliyada & xisaabaha dawladda ee sam.87/96 &90/96 waraaqahaasi waxay ka kooban yihiin 1. Dhamaan Awoodaha Kharashka 2. Diiwaanada lacagta Cad lagu qoro ee dakhliga &kharashka (jan-dec/2007.) 3. Xaashiyaha lacag qabashada jan-dec/2007 4.Xaashiyaha lacag bixinta (jan-dec/2007) 5. Warbixinta baanka 6.Diiwaanada lagu qoro Horumarinta , Xawaaladaha , Curaarta , Gacan kau haynta 2007 7.Diiwaanada lagu ilaaliyo kharashka 8.Analysis-ka lagu faahfaahiyo nDakhliga & Kharashka oo ay ku qoaran yihiin madax xigeenadu 9.Isu dheelitirka Khasnada & Warbixinta Baanka 2007 Hanti dhawruhu waxa kale oo uu warbixintiisa ku soo bandhigayDakhliga dhabta ah ee Miisaaniyada Caadiga ah ee 2007 waxaanu yidhi “Markii aanu aad u hubinay Dakhliga dhabta ah ee soo galay Dawladda Dhexe sanadkii 2007 ee ay qabatay Wasaarada Maaliyadu waxa uu dhan yahay 209,665,843,770/= Dakhligan waxa uu ka soo xerooday laamaha waaxda cashuuraha beriga ee gobolada iyo degmooyinka dalka, sidoo kale waxa uu ka soo xerooday dakhligani kastamyada lixda gobol. Dakhliga ku talagalka Miisaaniyada Dawlada ee 2007 waxa uu ahaa oo golayaasha Qaranku ay ansixiyeen 202,759,848,707, Dakhliga dhabta ah ee soo galay Wasaarada Maaliyadda 2007 waxa uu dhan yahay 209,665,843,770, waxa dheeraad ah (surplus) oo soo xerooday sanadkaas 6,905,995,066/=, Dakhligan waxa lagu shubay A/C.”waheen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: