Toggaherer’s Weblog

GOBOLKA AWDAL 80% WAXAA DEGA MAXAMED CASE WAANA KULMIYE

Posted on: March 19, 2009

GOBOLKA AWDAL 80% WAXAA DEGA MAXAMED CASE WAANA KULMIYE
Reer Borama markaan nidhaa macnaheedu maaha inay yihiin dadka Rayaale taageera oo qudha sida wariye Maxamed cumar u dhigay hadalka maqaalka aw ku qoray Lughaya.com. Reer Borama waa dadka dega Borama oo keliya oo aanay ku jirin gobolka intiisa kale. waxanay ka koobanyihiin reer Borama, seddexda haamood oo waaweyn oo samaoon weyne ka kooban yahay. dadkuna seddexda xisbi qaran ayey kala taageeraan. Sida Hargeysa cid kastaa u deggan tahay ayuun baa Boramana cid kastaa u deggan tahay. qofka Borama ku sheega UDUB na wuu qaldan yahay waayo udub amma Reerka Rayaale gaar uma laha meesha.

Si kastaba ha ahaatee, Markaan sidaa leehaya kama soo horjeedo reerka Rayaale laakiin waa sida runtuay tahay, fikradda wariye maxamed cumar ayuubaananun rabaa inan saxo oo sida ay ku haboobtahay loo dhigo. Waayo dadka Somaliland ood mooddo inaanay sidaaba isku aqoon weli, waxa laga yaaba inay Borama u qaataan makhaayad Rayaale iska leeyahay.
Haddii an isku dayo inan dadka u jilciyo Awdal. Gobolka Awdal wuxu ka koobanyahay 1.Borama: oo ah magaalo madaxda gobolka iyo seddex demo oo kale oo kala ah 1. Baki 2. lugyaha 3. Saylac. Borama oo la wada dego maahe Gobolka Awdal intiisa kale 80% waxa dega Maxamedcase, Maxamed casana waa wada Kulmiye intooda badani iyo makaahiilka reero ka mid ah sida bahar cabdalle iyo reer nuur. Sidaa darteed waa qalad iyo wax an la qaadan Karin in loo arko Borama meel Rayaale dadkiisu degaan amma ay leeyihiin keligood amma meel nisbeeyo xisbiga UDUB.
Sidookale, Arrinta diiwaangelinta waxa loo xilsaaray inay isla meel dhigaan Komishanka, interpeace iyo seddexda xisbi qaran mana aha wax reer reer iyo qolo qolo toona ku saabsan. Waxan u aragnaa arrin qaran, sida Somaliland danteedu ku jirto ayuun baa danta awdalna ku jirtaa lamana kala saari karo, masiirkayaguna waa masiirka somaliland wax gaar an uga leenahayna ma jirto somalilnad, amma Rayaal ha la doorto amma yaan la dooranne.
Dhanka kale hadaan eegno, Reer Kulmiye waxay oogyihiin in Gobolka awdal ninka badhasaabka ka ahi reer awdal tiradoodu inay yaraato sababteeda u lahaa isga oo Rayaale kula soo taliyey in la yareeyo sidii loo cadaadin lahaa dadka tageera kulmiye ee awdal dega si aany cod badan u soo saarin oo ay ku taageeraan Kulmiye. Jirro sida xaqiiqadu tahay reer kulmiye marka loo eego goobihii laga codeeyey ee Borama ku dhexyaaley ee reeruhu kala codeeyeen iyagu in ay u bateen taasoo an lagaba filayn inay u bataan magaalada Borama gudaheeda cadaadiska loogu talo galay awgeed
xaqii baana ka adeegay, iyo degmooyinka kale ee seddexda ah oo marka horeba iyagu ay ugu badan yihiin iyo goobaha gobolka intiisa kale oo dhan, arrintaasina waxa weeyi xisbiga kulmiye inu hoos u eego anu qadariyo natiijadeeda aad baan u jecelnahay ayada oon cidna xaqooda an la dulmin.
Hadal iyo murti Awdal waa Somaliland, waxanay ahaanaysaa Somaliland, dadka Maxmed case ee dalka 80% degaana masiirkoodu waa ka Somaliland inteeda kale leedahay, ninkii ku hanjabaya waan baxaynaa hadii rayaale kursiga loogu yimaadow amma beelaha dhexe cadaawad u qaadayowna aday kuu taalla, waxan leenahay gadhow gafuur dhaaf. Rayaale hadii la doorto iyo hadaan la dooranna Awdal waa Somaliland.
Cabdiraxmaan cadoosh
cabrah.cadoosh@yahoo.com
http://gargaar.blogspot.com/

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: