Toggaherer’s Weblog

WARYASI LALA YEESHAY SAFIIRKA SOMALILAND EE DALKA IRELAND MUDANE C/FATAAX SICIID AXMED

Posted on: March 18, 2009

WARYASI LALA YEESHAY SAFIIRKA SOMALILAND EE DALKA IRELAND MUDANE C/FATAAX SICIID AXMED

Weraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo aad u
xiiso badan ayaa shabakadda hadhwanaagnews waxay la yeelatay safiirka
Somaliland u fadhiya dalka Ireland isla markaana ah xidhiidhiyaha
jaaliyadaha Somaliland Mudane C/fataax Siciid Axmed, Mudane C/fataax
wuxuu weraysigani kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yahiin wefdigii
Madaxweynaha Somalialand ee dhawaan London yimid iyo hawlahii uga
qabsoomay ingiriiska, wuxuu sidoo kale kaga jawaabaya weraysigani eedo
ay usoo jeediyeen xubno ka tirsan guddida fullinta ee xisbiga UDUB
Safiirka Ireland Mudane C/fataax iyo safiirka wareega Dr. Maxamed Aar
Cabdilaahi.
Wuxuu sidoo weraysigani C/fataax ku sheegay in uu todobaadka soo socda
safar ku tagayo dhawr dal oo ka tirsan beriga yurub hawsha uu u
tagayaana tahay sidii qaddiyadda Somaliland loo gaadhsiin lahaa beriga
dalalka yurub isagoo sheegay in Dr. Maxamed Aar uu hadda socdaal ku
joogo dalka Yuganda, wuxuuna Safiirka Somaliland ee Ireland shaaca ka
qaaday inuu rajaynayo dhawaan in Madaxweyne Rayaale la kulmo doono
masuul aad u darajo sareeya oo ka tirsan hogaamiyayaasha beesha
caalamka balse magaciisa ma xusin Cabdifataax masuulkaasi cidda u
yahay, haddaba weraysigaasi oo dhinacyo badan taabanaayey oo aad u
xiiso badan wuxuu u dhigna sidani:

Su’aal: C/fataax bal waxaad nooga waranta wefdigii Madaxweynaha Somaliland ee UK yimid iyo hawlahii halkani uga qabsoomay?

Jawaab: Wuxuu madaxweynahu dalka yimid 4-tii bisha, ballamahuna waxay
noo bilaabmeen 5-ta bisha oo khamiis ahayd waxaana isla maalintaasiba
hoteelka uu degena ku soo booqday wergeyska Guardian ee ka soo baxa
dalkani ingiriiska, isla maalintaasi 4:00 galabnimo waxaanu tagnay
xarunta baarlamaanka Britain oo Madaxweynahu kula kulmay group-kii
mudanayaasha baarlamaanka ka tirsana ee uu hogaaminaayey Mudane Allun
Mickeal, oo ah group-ka u ololeeya Somaliland oo la yidhaahdo (All
Parliamanterian Somaliland Group).

Maalintii xigtay oo ahayd jimce bisha 6-deedii march 11:00 subaxnimo
Madaxweynaha wuxuu la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Britain David
Miliband, isla maalintaasi abaaro 3:00 galabnimo Madaxweynahu wuxuu
khudbad aad u qiimo badan oo ka hadlaysa xaqaa’iqa dhabta ah u jeediyey
khubaro siyaasadeed oo iskugu timid guriga caanka ah ee loo yaqaano
Chathanham House oo ah goob lagu fallanqeeyo siyaasadda adduunka,
waxaana khudbadda madaxweynaha dhegaysanaayey 200 oo qof oo iskugu
jiray dibloomaasiyiin, siyaasiyiin can ah iyo khubaro ku takhasustay
arrimaha afrika, runtii waxay ahayd fursad aad iyo aad u qaali ah oo
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin farriin dhab ah uu
ku gudbiyey waayo waxay ahayd masrax caan ah oo keliya lagu casuumo
hogaamiyayaasha dunida waxaana sannadkii hore marti u ahaa Madaxweyne
Bill Clintone-kii maraykanka iyo xoghayahii hore ee arrimaha dibadda
maraykanka Miss Condelezza Rice.

Su’aal: C/fataax waxaad sheegtay inuu Madaxweyne Rayaale La Kulmay
xoghayaha arrimaha dibadda Britain David Miliband maxaa ugu muhiimsana
arrimahii ay isla soo qaadeen?

Jawaab: arrimaha ugu muhiimsana waxaa ka mid ahaa xidhiidhka soo
jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya Britain iyo Somaliland kaasi oo
waji cusub oo saaxiibtinimo ah bilaabay sannadkii 2004-tii, waxyaabaha
ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa dhinaca amniga,
dhinaca xukuumadda Somaliland Madaxweyne Rayaale wuxuu uga mahadceliyey
Xoghayaha arrimaha dibadda Britain iyo xukuumadda ingiriiska
ballan-qaadkii ay mashaariicda horumarineed ee loogu tallo gallay
dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray ay gooni u siiyaan Somaliland
%60, waxaa kale oo uu Madaxweyne Rayaale aad ugu mahad celiyey dawladda
Britain dhambaalkii tacsida ahaa ee uga yimid Ra’isal wasaaraha Britain
Gordon Brown.

Su’aal: waxaad sheegtay waxaad dhinaciina kulankasi Madaxweynahu ka soo
jeediyey idinka Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Miliband muxuu
idiinku sheegay kulankaasi?

Jawaab: annaga wuxuu noogu sheegay sida ay Somaliland wax u qasbsatay
dhinaca dimuqraadiyadda hadday noqoto doorashooyinkii laga soo gudbay,
waxay kale oo noo sheegeen in dawlad ahaan Britain ay tixgelin weyn
siinayaan doonista shacabka Somaliland oo ah madax-banaanidooda,
waxaana uu Mudane Miliband ballan qaaday in aanay dawladda Britain
raali ka ahayn wax kasta oo carqalad gelin kara horumarka dhinac kasta
leh ee Somaliland ku tallaabsatay gaar ahaan weliba dhinac
nabadgelyada, waxaana ay noo ballan qaadeen inay gacan naga siinayaan.

Runtii kulankani wuxuu ahaa kii ugu darajada sareeyey ee xukuumadda
Somaliland intay jirtay ay la yeelato masuul sida u sareeya oo ka
tirsan beesha caalamka, waxaana ku sheegaya in aanu higsanayno
mustaqbalka dhaw inuu Madaxweynahu la kulmo masuuliyiin ka sii darajo
saraysa oo ka tirsan beesha caalamka waxaanay taasi ku tusaysa dedaalka
xukuumaddu ugu jirto xidhiidhka caalamiga ah iyo aqoonsi ay Somaliland
hesho sidii dawladaha caalamka looga dhaadhicin lahaa heerka uu
gaadhsiisanyahay.

Su’aal: C/fataax waxaad soo hadal qaaday dhinaca doorashooyinka,
xoghayaha arrimaha dibadda Britain ma idinla soo hadal qaaday
doorashooyinka madaxweynaha iyo dawladaha hoose oo wakhtigoodii dib uga
dhacay halka ay ahayd in la qabto 29 march ee bishani, oo xisbiyada
mucaaridka gaar ahaan xisbiga Kulmiye diidanyahay inaad idinku
dhinaciina khaladkeeda leedahiin?

Jawaab: waxaan u malaynaya maxamedow wuxuu arrinkaasi u yaalla oo
masuuliyadeeda leh seddexda xisbi qarran iyo koomiishanka ee dawladda
ingiriisku shuqul kuma laha iyagaanay jirta siday u xalinayaan laakiin
sidaan anigu dastuuriyan iyo xeer ahaan ogahay ka diblomaasi ahaan
koomiishanka ayay u taalla wakhtiga ay ugu suurtagalayso inay
doorashadaasi qabtaan

Su’aal: markaa ma waxaad leedahay C/fataax xoghayaha arrimaha dibadda
ee Britain idinlama soo hadal qaadin arrimaha doorashooyinka Somaliland
ee wakhtigeedu dib u dhacay?

Jawaab:maya nalama soo hadal qaadin David Miliband iyo xubnahii
baarlamaanka ee Madaxweynahu la kulmay keliya waxay ka wada hadleen waa
arrimaha qaddiyadda Somaliland arrimaha doorashooyinku sidaan ku
sheegay waa mid u taalla xisbiyada iyo koomiishanka Somaliland, laakiin
guud ahaan dawladda Britain waxay ka mid tahay dalalka aad u danaynaya
in la dhiiri geliyo hanaanka dimuqraadiyadda isla markaana aad ayey u
jecelyahiin in doorashooyinkaasi wakhtiga ugu suurtagalsan u qabsoomaan.

Su’aal: markaynu ka gudubno safarka Madaxweynaha dhawaan waxaa nala soo
xidhiidhay xubno sheegtay inay ka mid yahiin gudida fullinta ee xisbiga
UDUB ee boqortooyada ingiriiska waxaanay adiga iyo Dr Maxamed Aar
idinku eedaynayeen inaad ka hor istaagtaan inay la kulmaan Wefdiga
Madaxweynaha maxaad eedaasi kaga jawaabaysa C/fataax?

Jawaab: (Qosol) sidaad Maxamed ogtahay anigu xisbi uma shaqeeyo waxaan
ahay nin diblomaasi ah oo u dhexeeya Seddexda xisbi qarran umana
shaqeeyo xisbi gaar ah iyo group gaar ah midna waxaan u shaqeeya
qarranka Somaliland waxaan habeen iyo maalin u taaganahay sidii
Somaliland ay wax u noqon lahayd aqoonsi caalami ahna adduunyada uga
heli lahayd, tusaale ahaan Dr. Maxamed Aar safiirka wareega ee
Somaliland wuxuu socdaal ku jooga dalka Yuganda aniguna todobaadkani
ayaan u baxaya beriga yurub waxaanu u soconaana waa dannaha Somaliland,
waxaan u malaynaya inaanay su’aashaasi i qabanba, shakhsiyaadkani aad
sheegayso ee aniga iyo Maxamed Aar na eedaynayaana dee xisbigu wuxuu ku
leeyahay dalkani ingiriiska afhayeen iyo guddoomiye iyo guddoomiye ku
xigeen, taasi waxay ku tusaysa inay baal mareen shuruucdii iyo anshaxii
u yaallay xisbiga UDUB iyagoon soo marin intaasi oo jaran jaro inay
iska hadlaan waxaan u arka wax laga yakh-yakhsiyoodo waxbana kama
duwana iyagu taageerayaasha xisbiga UDUB, arrintaasina waxaan u
gudbiyey hogaanka sare ee xisbiga oo ah Madaxweynaha, Madaxweyne ku
xigenka iyo xoghayaha guud ee xisbiga iyagana ka soo saari doona go’aan
haddii alla idmo.

Balse aan kuugu celiyo eh anigu uma shaqeeyo xisbi gaar ah, group gaar
ah, iyo ashkhsiyaad waxaan ahay nin qarran oo diblomaasi ah oo u
dhexeeya xisbiyada qarranka tusaale ahaan haddii aan ku siiyo wiigii
aynu soo dhaafnay waxaa dalka yimid wefdi ka socda xisbiga UCID oo ay
ka mid ahaayeen Guddoomiyaha xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe
iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somalialnd Mudane C/raxmaan M.
Cabdilaahi intaba waan soo dhaweeyey, horana waan usoo dhaweeyey Mudane
C/casiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Ciro markii ay
halkani noogu yimaadeen 2006-kii si wanaagsan ayaan usoo dhaweeyey
markastana waxaan u heelanahay inaan madaxda qarranka aan si qarran
usoo dhaweeyo, waxaana aniga isoo magacaabay sida dasturuka Somaliland
ku cad Madaxweynaha isagaana xilka iga qaadi kara.

Su’aal: ugu danbayntii C/fataax saamayn intee le’eg ayey ku yeelan
kartaa ayaad isleedahay murankani siyaasadeed ee ku saabsan
doorashooyinka wakhtigoodii dib uga dhacay xidhiidhkii ay Somaliland
adduunyada kale la lahayd?

Jawaab: horta Maxamedow sidaan February dhamaadkeedii u sheegay waxaa
imanaya dalka ayaan idhi wufuud diblomaasiyiin ah oo ka kala socda
dawlado badan oo yurub ah waadigaasi arkaya waxaa wiigani dalkii ku
qulqulaayey wufuud ka kala socotay dalalka ingiriiska, Norway, Sweden
iyo faransiiska oo wefdigiisii ugu danbeeyey waxaana taasi ay ku
tusaysa sida beesha caalamku runtii ay ugu heelantahay una danaynayso
qaddiyadeena Somaliland, waxaana inta aanay doorashadu dhicin dalka
iman doona oo waqooyiga America iyo yurub ka iman doona wufuud iskugu
jira mudanayaal baarlamaan, Senatoro, iyo diblomaasiyiin oo intuba
danaynaya Somaliland.

Markaan usoo noqdo Maxamedow su’aashaada Somaliland waxay ku soo caano
maashay oo ay heerkaasi ku soo gaadhay waa isku tanasul iyo wada tashi
qarran waana mida aynu kaga duwanahay dalalka inala jaarka ah, waxaana
qaba ka diblomaasi ahaan in arrinkani maanta jira lagaga bixi karo isku
tanaasul iyo is ixtiraam ee aanu arrinku noqonin ku jiqsii taasi oo
dhaawici karta xidhiidhkeeni caalamiga ahaa.

HADHWANAAG NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: