Toggaherer’s Weblog

BAAQ KU SOCDA XISBIYADA & GOLAYAASHA QARANKA OO AY XISBIGA UCID SOO SAAREEN.

Posted on: March 18, 2009

BAAQ KU SOCDA XISBIYADA & GOLAYAASHA QARANKA OO AY XISBIGA UCID SOO SAAREEN.


xildhiban Naasir X. Cali & Gudoomiyaha Norway ucid Eng Abdi Xakiim Ismaaciil

Oslo 17 March 2009 (THN)

BAAQ KU SOCDA XISBIYADA & GOLAYAASHA QARANKA

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17.03.09 shir balaadhan ku yeeshay magaalada Oslo Xubnaha Xisbiga UCID iyo taageerayaashiisa, kaas oo uu goobjoog ka ahaa xildhibaan Naasir X.Cali Shire; Shirkan waxaa lagu falanqeeyey xaaladda uu maanta dalkeennu ku jiro, waxaanay xubnuhu isla garteen in loo diro baaq khuseeya dhinacayada ku murunsan doorashada madaxtinimada Somaliland; waxaanu baaqu ku kooban yahay qoddobadan:

1. Waxaanu ugu baaqayanaa dhammaan darafyada isku haya muranka siyaasaddeed ee ka dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka iyo hadda oo ay dhammaanayso muddadii xukuumaddu in la isugu yimaado shuruud la’aan miiska wadahalka, si xal looga gaadho murankan jiitamaya.
Waxaa xaqiiq ah haddii muranku sii socdo in dib-u-dhac ku iman doono doorashada madaxtinimada, taasoo macnaheedu yahay in doorashadu ku qabsoomi weydo xilligan cusub ee Guddida doorashadu cayintay. Cidda dib-u-dhaca ka masuul ahna taariikhdaa qori doonta.

2.Waxaanu ugu baaqaynaa Golaha guurtida ee Somaliland in ay gutaan doorkooda ay ku leeyihiin sidii loo soo afjari lahaa muranka siyaasaddeed ee hadda taagan, loona ilaalin lahaa midnimada iyo qaraimada Somaliland, isla markaana loo badbaadin lahaa himiladii horumarinta Somaliland.

3. Xisbiga UCID wuxuu u taagan yahay ilaalinta geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland, taasoo suurtagal ka dhigaysa in ay doorashadu u qabsoonto sida ugu dhakhsaha badan.

M A H A D S A N I D I N

Eng.C/Xakiim Ismaaciil X.Axmed
Guddoomiyaha UCID-Norway

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: