Toggaherer’s Weblog

NINKII ISKU QARXIYAY YEMEN DHAWAAN OO LASHEEGAY IN UU TABABAR KU SOO QAATAY SOMALIYA

Posted on: March 17, 2009

NINKII ISKU QARXIYAY YEMEN DHAWAAN OO LASHEEGAY IN UU TABABAR KU SOO QAATAY SOMALIYA

Sana’a 17 Mar 2009 THN
Sarkaal Ka tirsan Ciidamda Amaanka ee Yemen ayaa Wakaaladda Wararka
Reuters u sheegay in nin dhawaan isku qarxiyay meel loo dalxiis tago oo
Yemen ku taalla uu ku soo tababartay Soomaaliya, kadibna uu Yemen ku
laabtay.

Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa waxaa ku geeriyooday Afar Dalxiisayaal ah
oo Kuuriya u dhashay, sidoo kalena wuxuu qaraxaas geystay burbur baaxad
leh oo soo gaaray goobtii dalxiiska.

Qaraxa ayaa wuxuu yimid ka dib markii ay hoggaamiyayaasha Al-qaacidda
ay ku celceliyeen in ay weerari doonaan Dadka aan Muslimka ahayn ee ku
sugan Dalalka Carabta.

Sarkaalkan u hadlay Dowladda Yemen wuxuu intaas ku daray in ninka
is-qarxiyay lagu magacaabi jiray Abdel Rahman Mehdi al-Aajbari, isla
markaana uu ku soo tababartay Dalka Soomaaliya.

Aajbari oo ka tegay Guriga Qoyskiisa oo ku yaala Gobolka Taiz ee Dalka
Yemen labo bilood ka hor, ayaa warqad uu qoyskiisa u soo diray, gaar
ahaan hooyadiisa uu ku sheegay in aaney mar dambe dib u arki doonin ,
isagoo shegay in uu rumeysan yahay in uu ku taagan yahay dariiqa saxda
ah.

Warqabdka ToggaHerer
UAE

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: