Toggaherer’s Weblog

MUCARADKA DALKA MADAGASCAR OO SHEEGAY IN AY QACANTA KUU HAYAAN GOOBO MUHIIM AH.

Posted on: March 17, 2009

MUCARADKA DALKA MADAGASCAR OO SHEEGAY IN AY QACANTA KUU HAYAAN GOOBO MUHIIM AH.

MUCARADKA DALKA MADAGASCAR OO SHEEGAY IN AY QACANTA KUU HAYAAN GOOBO MUHIIM AH.

Mr. Andry Rajoelina oo ka hadlayay magaalada Antananarivo ee Dalka Madagascar ayaa sheegay in uu gacanta kuu haayo qeybo kamid ah Dalkaas, kuna daray hadalkiisa in uu Dalka ku maamulayo Dowlad Kumeel gaadh ah,tan ayaa kadanbaysay markii ay Ciidamada Qalabka sida ee Dalka Qaar ka mid ah ay ra’yigiisa raaceen kana soo horjeedasdeen Madaxweynaha dalka Mr. Marc Ravalomanana.

Warbixinta kale ee ka imnaysa Dalka Madagascar ayaa sheegaysa in ay Ciidamadii Malatariga Dalkaas Gacanta ku dhigeen Qeybo katirsan Xarumaha Xukumadii Marc Ravalomanana,iyadoo uu Madax weynuhu ugaa maqnaa meel aan ka fogayn.

Madaxa Mucaaradka Madagascar Mr. Andry Rajoelina oo ahaan jiray Maayarkii Antananarivo ayaa u sheegay Warbaahinta isaga oo inkiraya in uu qaab Riwaayad oo kale ah ku qabasaday Goobo farabadan oo uu MadaxweyneMarc Ravalomanana ka Arimin jiray kuna sheegay hadalkiisa in uusan Afganbi ku qabsan meelna ee ay tani keentay Baahida Taageero ee ay Shacabka u hayaan uuna Dalka ku maamulayo Cadaalad iyo Sinaan.

Waxaa la soo xiganayaa in uu Madax weyne Marc Ravalomanana in uu ku dhuunatay meel kale.

Madax weyne Marc Ravalomanana ayaa sidoo kale codsaday Taageero Milatari oo uga Timaada UN-ka iyo Wadamada South Africa, sidaas waxaa u sheegay wakaalada waraka ee Reuters Afhayeenkiisa.

Dalka Madagascar ayaa jaasirad ku taala Badweynta Hindia taas oo berhiyaan dembe aay ka jirtay qalaalaso Mucaaradnimo Milatari, Bililiqo iyo Rashado.

KHATIIMI OO IS KAGA BAXAY TARTANKA DORASHADA MADAXTINIMADA EE DALKA IRAN.

Madaxwaynihii Hore ee Wadanka Iran Mohamed Khaatimi Ayaa Shaaca Ka Qaaday Inuu Isakaga baxay Tartanka Doorashada Madaxtinamada Wadankiisa Iran Taas oo Lagu Wado Inay ka Dhacdo Wadanka Bisha July ee Sanadkan 2009ka.

Mr. Khaatimi ayaa Isagu Horay u Sheegay Inuu Yahay Musharax u Taagan Xilka Madaxwaynaha Wadanka Iran Lamana Garanayo Sababta Keentay Inuu Iminka Shaaciyo Inuu Iskaga Hadhay Tartanka Madaxnimada Wadanka Iran.

Mr Khaatimi Waxa uu Ahaa Madaxwaynihii Wadanka Iiraan ka Talinayay Intii U dhaxaysay Sanadkii 1997dii ila 2005-kii Iyadoo uu Xilkaasi Kala Wareegay Sanadkii 2005ta Madaxwaynaha Iminka Wadankaasi ka Taliya ee Mohamoud Ahmed Najad.

Warar la kalsoon yahay ayaa Sheegaya In Mr. Najad uu Mar Kale Isu Soo Taagayo Xilka Madaxnimada Wadanka Iran oo ka Qayb Galayo Tartarnka Doorashada.

ISKU DHAC WATA RABSHADO OO KA DHACAY DALKA SIERRA LEONE

Booliska Dalka Sierra Leone ayaa Isticmaalay Gaaska Dadka kaga Ilmaysiisa si ay u kala eeraydo Taageerayaasha labada dhinac ee Siyaasada Sida ba’an isugu haya oo Rabshado ka wada Magaalada Freetown.

Waxaana jira warbixino sheegaya in Tiro Haween ah lagu kufsaday Dalka meelo kamid ah tan iyo intii ay jireen Rabshaduhu,taas oo circka ku sii shareertay Xaaladaha Amni daro ee haatan ka taagan magaaladaas iyo maalmahan oo dhan.

Waxaana halkaas kajira Muacaaradad badan oo ay isku hayaan labada dhinac ee siyaasada Dalka sababayna in Adeegii Magaalada Freetown uu hakad galo.

Maalmihii la soo ayaa dhaafay ayav la arkayay Dad Taayiro ku gubayaa Magaalada Freetown oo ah casiimada Dalka Sierra Leone.

Ciidamada Qalabka sida ee Dalka iyo kuwa Booliska ayaa rasaas Cirka u ridayay Si ay kala Cayriyaan Mudaharaadayaasha,isku gaysanaya wax yaabaha foosha xun ee ka faa’iidaysta xaalada Qaska ah,iyadoo uu Dalku Dahawaan ka soo kabsday Dagaal Sokeeye.

Waxaana jiray Isku dhacyo ka dhacay Jimcihii magaaalada Freetown oo ku dhex maray Labada Xisbi ee APC iyo SLPP.
Banaanka Xarumaha Mucaaradka ee Dalka Sierra Leone ayay Dad aad u fara badan isku Gadaameen iaygoo midba Cida uu taageero u muujinayo Taageerada uu u hayo,halkaasna ay ka dhasheen in faraha la isula tago.

Warbixintu waxay intas ku daraysaa in ay isku dhacyada lagu dhex gaysaty Falal Anshaxa aan ku haboonayn iyadoo goobta lagu kufsaday Gabdho aad u yar yar, taasna waxay walwal badan ku beertay Dumaarka ku dhaqan Dalka Sierra Leone iyadoo waxa kalya ee Dalkaas ladagay uu yahay Tacadiyada Bani’aadamka ka dhanka ah ee Dalkaas laga gaysto ay tahay waxa Dib ula degay Dalka Sierra Leone.

TogaHerer International News

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: