Toggaherer’s Weblog

KULANAKII MADAXWEYNE RIYAALE IYO MADAXWEYNE GEELE

Posted on: March 17, 2009

KULANAKII MADAXWEYNE RIYAALE IYO MADAXWEYNE GEELE

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
DATE: 17/03/09
War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo
wefdigii uu hogaaminayay, ayaa intii aanu ka soo amba-bixin Jamhuuriyadda
Jabuuti, waxa uu la kulmay Walaalkii Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Jabuuti.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhada labada
dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada, Nabad gelyada,
Horumarinta, iyadoo beryahanba xidhiidhka labada dal sii xoogaysanayay.

Kulankaasi dhex maray Labada Madaxweyne waxa uu ku dhamaaday jawi degan.

Wefdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale
Kaahin, waxa ay shalay galab soo gaadheen Caasimada Somaliland ee
Hargeysa, iyaga oo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wefdiga Madaxweynaha waxa kale oo ka mid ahaa Marwada Koowaad ee
Madaxweynaha Marwo Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane
Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane
Axmed Maxamed Ciise.

Alla Mahad leh.

Axmed Maxamed Ciise
Xoghayaha Gaarka ee Madaxweynaha JSL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: