Toggaherer’s Weblog

WASAARADA MALIYADA OO KA BAAQSATAY MAANTA IN AY HORTIMAADO GOLAHA WAKIILADA S/L

Posted on: March 16, 2009

WASAARADA MALIYADA OO KA BAAQSATAY MAANTA IN AY HORTIMAADO GOLAHA WAKIILADA S/L

Hargaysa 15 March 2009 (THN)
Wasaarada Maaliyada ee Jamhuuriyada Somalilan ayaa maanta ka baqsaday in ay hor yimaadaan fadhigii golaha sharci dejinta ee wakiilada oo u balasanaayeen wasaarada maaliyada in wax laga waydiiyo miisaaniyadii ay hor dhawaan hore keeneen golaha wakiilada oo dhaliilo wayni ka soo noqden.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudnae Cabdi Raxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo dhawan ka soo laabtay safar uu dabada ugu maqnaa shirka maanta ee golaha wakiilada gudoominaayey ayaa markii fadhigi guluhu furmay ayna soo xaadiri waayeen masuuliyiintii wasaarada maaliyada ee lasugaayey ayaa mudanayaasha gulaha wakiilad ka dalbay in gudida dhaqaalada ee golaha wakiilada ee miisaaniyada ka soo shaqeeyey golaha suaalo ay xubnaha goluhu ka waydiiyaan.

Xogahayaha Gudida dhaqaalaha ee golaha Maxamed Nuur Caraale Duur iyo xubin gudida ka mid ah xildhibaan Cali Xasan Maxamed Mareexaan ayaa si talantaali ah uga jawaabay sualihii ay xildhibaanada goluhu waydiiyeen ee ku saabsanaa miisaniyada isla markaasna xildhibaanadaasi ay banaanka soo dhigeen dhaliilihiii ay xabaarsanayd miisaniyadii 2009 ee ay xukuumadu soo gudbisay

Xildhibaano suaal ka waydiiyey mudanayaashan oo isla markaana ka soo jeeda xisbiga Udub oo ah in gudida dhaqaaluhu markay miisaaniyada soo eegayaan aanuu kooramkoodu buuxin oo afar xubnood ay ahaayeen ayaa markiiba suaalahoodii aamus ku dambeyeen kadib markii shan xubood oo gudida dhaqaalaha ah oo goobjoog ka ahaa fadhigani ay ka dhex istaageen oo ay cadeeyeen in ay ahaayeen shan xubnood oo ah kooram buuxa sida uu sharcigu qabo.

Xildibaan Cali mareexaan ayaa xubin ka mid ah golaha oo ah xubnaha khalad iyo saxba ku difaaca madaxweyne Riyaale oo xalay ka naqdiyey gudida dhaqaalaha TV ga qaranka ayaa ku eedeeyey in uu ka hadlaayey wax aanuu garanayn gudidana xubintaas xalay TV ga ka hadashay waxa uu ku dhaliilay in aanuuu kooramkoodu buuxin oo ay ahayeen afar xubnood halka laga doonaayey shan xubnood ama tiro kala dhiman. Xildhibaan Cali mareexaan ayaa ugu baaqay xubintaas in xilka waajibkiisu yahay barshada shuruucda xilkan uu hayo .

Maxamed Muuse
Togaherer Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: