Toggaherer’s Weblog

URURKA ARDAYDDA JSL EE YEMEN OO XAFALD SOO DHAWAYN AH IYO SAGOOTIN AH KU QABTAY SANCA

Posted on: March 16, 2009

URURKA ARDAYDDA JSL EE YEMEN OO XAFALD SOO DHAWAYN AH IYO SAGOOTIN AH KU QABTAY SANCA

Ururka Ardayda JSL ee Yemen oo xaflad soo dhawayn ah iyo sagootin ah ku qabtay Sanca

Xaflad ballaadhan ayaa Ururka Ardayda JSL ee Dalka Yemen ku qabtay hool weyn oo ku yaala jaamacatu culuum magaalada Sanca xafladan oo ahayd mid lagu soo dhaweeyey arday 40 inkabadan oo sanadkan waxbarasho u yimi Yemen laguna sagootiyey 7 arday ee Bachelor Degree

Munaasanabdan oo ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha danaha jaaliyadaha somaliyeed. Md. Maxamed Cali Xirsi

( Dhegdhaqaaje) ganacsato reer Somaliland ah suxufiyiin madaxbanaan RAADTV international xubnaha guud ee ardayda aqoonyahano waxgarad haween iyo marti sharaf kale oo badan

Xafladaas oo uu si toos ah ufuray xidhiidhiyaha barnaamijka aayado quraan ah oo xaflada lagu furay kadib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey. Gudoomiyaha Ururka JSL ee Yemen C/casiis Maxamed Faarax Guudcade oo ka warbixiyey xaalada Ururka horumarkiisa marxaladihii kaladuwanaa ee uusoo maray iyo ujeedooyinkii loo aasaasay oo uu aad uga dheeraaday waxa kale oo uu si diiran usoo dhaweeyey ardayda cusub kuwaas oo uu sheegay inay ka kala yimaadeen wadamo kala duwan oo ay kamid yihiin. Somaliland Khaliijka carabta iyo Yuruba. Sida Uk Holland.Canada. hadalka gudoomiyaha kadib waxaa mikirifoonka lagu soo dhaweeyey.Gudoomiyaha danaha jaaliyadaha somaliyeed Md. Maxamed cali xirsi ( dhegdhaqaaje )

Oo muujiyey sida uu ugu faraxsanyahay ardayda da’ada yare e waxbarashada usoo doonanayaya dalka Yemen waxaa uu guud ahaan ku booriyey ardayda ahmiyada tacliinta isagoo sheegay inuu hiil iyo hooba lagarab taaganayahay ardayda gudoomiyahu sidoo kale waxaa kuu ka xaal waramay jaaliyadaha.

Waxa kale oo xaflada lagu soo bandhigay gabay ku saabsanaa tacliinta oo tiriyey abwaan da’yar Maxamed Maxamuud C/lahi

Waxa sidoo kale kooxda fanka iyo madadaalada ayaa iyagauna goobtaas kusoo bandhigay bandhig riwaayadeed aad uxiisa badnaa kaas oo la magac

baxay Aqoon iyo Afgarad iyadoo kooxdani si layaableh usoo bandhigeen oo ay kamuuqatay. murti iyo majaajilo aad u xiiso badan. oo ay kujirto farshaxanimo dheeraad ah

tartan kooban ayaa ku xigay oo abaalmarinona lagu gudoonsiiyey ardaydii kajawaabtey su’aalaha oo ku saabsanaa dhaqanka oo halkaas lagu qabtay.

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay gudoomiyihii hore ee Ururka xamse faarax geedi oo oo kelmado talooyin. Waano iyo dardaaran ah usoo jeediyey ardayda isagoo ku nuuxnuuxsaday ahmiyada waxbarashada iyo fikirka toosan.

Waxa isaguna sidoo kale magaca ardayda cusub ku hadlay abubakar axmed xuseen isagoo mahadnaq balaadhan usoo jeediyey Ururka ardayda kuna amaanay hawlaha ay uhayaan ardayda isagoo sheegay inay ardayda cusubina isu diyaariyaan sidii lodka danbe usoo dhawayn lahaayeen.

Ugu danbayntii waxa halkaas Ururku ku gudoonsiiyey shahaado sharaf 7

arday oo isug jira rag iyo dumar ee Bachelor degree ah.

Kasoo qayb galayaashii xafladan ayaa aad ugu faraxsanaa iyagoo tibaaxay cajaladihii muuqaalka ahaa ee goobta lagu soo bandhigay iyo guud ahaanba xaflada oo ku abuurtay dareen wadaninimo oo aad usareeya ugana mahad celiyey Ururka hawsha uu u hayo ardayda iyo bulshawaynta reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Yemen.

Ururka Ardayda JSL ee Dalka Yemen

susyemen@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: